“Sababta ay Japan ugu soo Jeesanayso Somaliland” Warbixin Caalami ah

0
73

Hargeysa (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta Horn Lens ayaa si qoto dheer u falanqaysay sababaha istaraatiijiga ah ee ku riixaya dawladda Japan inay indhaheeda u soo jeediso Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in ay u doorato xarun caalami ah oo laga soo saaro haydarojiinta cagaaran. Warbixintu waxay tilmaantay in saddex arrimood oo waaweyn ay arrintan sal u yihiin, kuwaasi oo ay Japaan ku khasbaya iskaashi ay la samayso Somaliland.

Warbixintu waxay tilmaantay in saddex arrimood oo waaweyn ay arrintan sal u yihiin: sida sugnaanta tamarta Japan, tartanka sii xoogaysanaya ee juquraafi-siyaasadeed ee tamarta nadiifta ah, iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee marin-biyoodka Badda Cas, gaar ahaan Dekedda Berbera, taas oo ku taalla meel isku xidha marinnada ganacsi ee u dhexeeya Yurub, Aasiya iyo Afrika, iyada oo Somaliland-na ay si isa soo taraysa ugu soo baxaysogoob muhiim u ah nidaamka tamarta mustaqbalka.

Sida lagu sheegay warbixintan, Japan oo ku tiirsan in ka badan 90% tamarteeda laga keeno dibadda, ayaa wajahaysa caqabado waaweyn oo ku saabsan sugnaanta sahayda tamarta. Si ay u xaqiijiso mustaqbalka warshadaha isla markaana u gaadho bartilmaameedyada dhimista kaarboonka, Tokyo waxay si xooggan u maalgelinaysaa haydarojiinta cagaaran, kaas oo ah shidaal loo arko inuu door weyn ka qaadan doono kala-guurka tamarta caalamiga ah.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in mid ka mid ah ilaha ugu rajada badan ee sahayda mustaqbalka uu ku yaallo xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo khayraadka dabiiciga ahi ay suurtagelin karaan wax-soo-saarka tamar nadiif ah oo qiimo jaban.

Warbintan oo Wargeyska Dawan soo turjumay ayaa xustay “Somaliland waxay leedahay isku-dar khayraad dabiici ah oo gaar ah oo ay ka mid yihiin dabeylo xooggan oo joogto ah iyo shucaac qorraxeed oo sarreeya, kuwaas oo ku habboon soo saarista tamarta la cusboonaysiin karo. Marka arrimahan lagu daro goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland iyo marin u helidda tooska ah ee marinnada badda ee ugu mashquulka badan dunida, waxaa abuurmaya fursad lagu dhisi karo xarun wax-soo-saar haydarojiin oo si tartan leh u shaqaysa. Dekedda Berbera, oo horeba u hirgelisay maalgashi iyo casriyeyn ballaadhan, ayaa noqon karta albaabka ugu muhiimsan ee dhoofinta tamartan cusub ee loo qaadi karo suuqyada Aasiya.”

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in istaraatiijiyadda Japan aanay ku koobnayn oo keliya tamar, balse ay ku lug leedahay xisaab juquraafi-siyaasadeed oo ballaadhan. Iyada oo xiligan ay dunidu u wareegayso tamar nadiif ah, sida ay sheegtay warbixintu, waddamada awoodda u leh inay noqdaan xarumaha wax-soo-saarka iyo dhoofinta haydarojiinta sida Somaliland, ayaa heli doona saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo weyn. “Somaliland, oo leh xasillooni siyaasadeed iyo kaabayaal sii kobcaya, waxay u muuqataa inay buuxin karto shuruudaha ay Japan u raadinayso lamaane istaraatiiji ah oo muddo dheer ah.”