Hargeysa (Dawan) Xiisadaha caalamiga ah ee u dhexeeya Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka ayaa dib u qaabaynaya waddooyinka ganacsiga caalamiga ah, istaraatiijiyadda juquraafi-siyaasadeed iyo dhaqaalaha dunida. Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay AfriNews 24, oo xustay in deganaansho-la’aanta iyo xaaladda amni-darro ee sii kordhaysa ee Gacanka Faaris ay indhaha dunida ku soo jeedisay marinnada kale ee muhiimka ah, gaar ahaan Dekedda Berbera ee Somaliland.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in xaaladdan cusub iyo colaadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe iyo gobollada Khaliijka Carabtu ay si gaar ah muhiim ugu yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, oo ku taalla goob leh muhiimad juquraafiyeed oo ballaadhan isla markaana leh xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinka Bab el-Mandeb.
“Berbera waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo u dhaxaysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana aad ugu dhow marinka Bab el-Mandeb. Taasi waxay ka dhigaysaa deked si toos ah ula xidhiidha marinnada maraakiibta ee isku xidha saddexda qaaradood ee Afrika, Aasiya iyo Yurub,” ayaa lagu yidhi warbixinta AfriNews 24. Waxayna intaasi ku dartay: “Haddii xiisadaha Khaliijka iyo Bariga Dhexe ay khatar geliyaan marinnada saliidda iyo ganacsiga, shirkadaha maraakiibta iyo dawladaha caalamiga ahi waxay raadin doonaan dekedo kale oo ammaan ah oo lagu maareeyo sahayda iyo saadka, iyada oo hadda caalamku si gaar ah isha ugu hayo xeebaha Somaliland.”
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Dekedda Berbera, maadaama ay ka baxsan tahay aagga dagaalka tooska ah ay wakhtigan noqon karto meel muhiim u ah kaydinta iyo wareejinta badeecadaha, sahayda maraakiibta, iyo xarumaha istaraatiijiga ah ee saadka iyo ganacsiga caalamiga ah. Sidaa darteed, haddii xiisadaha gobolku sii kordhaan ay Somaliland iyo dekedda Berbera u tahay fursad dhaqaale oo cusub. Taasina ay suurtogelinayso in dawladaha iyo shirkadaha caalamiga ahi ay kordhiyaan maalgashiga kaabayaasha dekedda, kaydka shidaalka, iyo adeegyada saadka.
Sidoo kale warbixintu waxay tilmaantay in xiisadaha sii kordhaya ee Khaliijka iyo Bariga Dhexe ay si lama filaan ah u kordhiyeen muhiimadda juquraafiyeed ee Geeska Afrika iyo marinnada muhiimka ah ee badda, gaar ahaan Berbera oo si isa soo taraysa muhiim ugu noqotay ganacsiga iyo amniga caalamiga ah, iyada oo dawladaha in shirkadaha maraakiibtu ay dib u qiimeeynayaan khataraha ku wajahan sahayda iyo gaadiidka tamarta. Taasina ay kordhiso muhiimadda marinnadan istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Warbixintan ay daabacdasy warbaahinta caalamiga ah ee AfriNews 24 oo Wargeyska Dawan soo turjumay ayaa lagu soo gabagabeeyay sidan: “Marka la eego xaaladdan jirta dhexdeeda, Dekedda Berbera waxay leedahay awood ay ku noqoto xarun istaraatiiji ah oo dhinaca saadka iyo ganacsiga caalamiga ah iyo isku xidhka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga adduunka ee Afrika, Bariga Dhexe iyo waddooyinka maraakiibta caalamiga ah.”






















