Chelsea Oo Doonaysa Saxeexa Xiddig U Ciyaara Arsenal Mustaqbalka daafaca

0
57

Mustaqbalka daafaca Talyaaniga Riccardo Calafiori ee kooxda Arsenal ayaa noqday mid aan caddayn, iyadoo warar cusub ay sheegayaan in Chelsea ay si dhow ula socoto xaaladdiisa.

Sida ay qortay warbaahinta TEAMtalk, Calafiori ayaa ka maqnaa safka koowaad tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawac muruq ah oo uu soo gaadhay dhammaadkii bishii Janaayo. Intii uu maqnaa, daafaca Piero Hincapié ayaa si fiican u qabsaday booska daafaca dhexe ee bidix ee kooxda tababare Mikel Arteta.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Arteta inta badan u adeegsaday Calafiori booska daafaca bidix tan iyo markii uu ku biiray Arsenal, halkii uu ka ciyaari lahaa booskiisa uu doorbido ee daafaca dhexe. Arrintan ayaa la sheegay inay keentay in ciyaaryahanku dareemo niyad jab, maadaama uu doonayo inuu si joogto ah uga ciyaaro booskiisa dabiiciga ah.

Dhanka kale, Chelsea ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay u dhaqaaqdo haddii fursad ay u hesho saxeexiisa. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaas ma sahlanaan doono, maadaama Arsenal ay ku bixisay qiyaastii 44 milyan oo euro markii ay kasoo iibsatay Bologna 1909, isla markaana uu qandaraaskiisu soconayo ilaa 2029, taasoo ka dhigan in Arsenal ay dalban karto lacag ka badan tii ay kusoo iibsatay haddii ay go’aansato inay iibiso.