FA-ga Ingiriiska Oo Ganaax Culus Dul-dhigay Pedro Neto Xidhiidhka Kubadda Cagta England, FA-ga ayaa

0
80

Xidhiidhka Kubadda Cagta England, FA-ga ayaa xaqiijiyay in garabka Chelsea, Pedro Neto, la ganaaxay hal kulan oo Premier League ah iyo £70,000 oo ganaax lacageed ah.

Neto ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan dhaqan aan habboonayn kadib markii casaan la siiyay ciyaartii ugu dambeysay ee Chelsea iyo Arsenal. Waxaa lagu eedeeyay inaannu si degdeg ah uga bixin garoonka isla markaana uu hadallo aflagaado ah u jeediyay garsoorayaasha.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa aqbalay eedeynta, isagoo ogolaaday ganaaxa halk kulan.

Wuxuu hore uga maqnaa kulankii Chelsea ay la ciyaartay Aston Villa, waxaana hadda la xaqiijiyay inuu sidoo kale seegi doono kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto Newcastle United.