Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxaynu ku soo qaadan doona wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyey qaaday tallaabooyin kala duwan oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, korna loogu qaadayo tayada shaqaalaha caafimaadka iyo kaabeyaasha adeegyada dalka.
Hawlahan ayaa isugu jira tababaro, shirar istiraatiiji ah, mashruucyo horumarineed iyo kormeero toos ah oo lagu sameeyey gobollada dalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Awdal ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay tababar laba maalmood socday oo loo qabtay tallaalayaasha ka hawlgala xarumaha caafimaadka iyo cusbitaallada dawladda ee gobolka.
Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray maareynta saxda ah ee silsiladda qabowga (Cold Chain), taas oo door muhiim ah ka qaadata ilaalinta tayada iyo waxtarka tallaallada.
Munaasabadda xidhitaanka tababarka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, Madaxa Cold Chain-ka gobolka iyo xubno ka socday xarunta dhexe ee wasaaradda.
Masuuliyiintu waxay ka-qaybgalayaasha ku bogaadiyeen dadaalkooda, iyaga oo ku boorriyay in aqoonta ay heleen ay si toos ah ugu dabaqaan goobaha ay ka shaqeeyaan.
Tababarkan ayaa la filayaa inuu si muuqata u xoojiyo tayada adeegyada tallaalka ee guud ahaan gobolka Awdal.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sidoo kale qabatay kulan hawleed muhiim ah oo lagu eegayey casriyeynta habraacyada kormeerka mashruuca tallaalka xilliyada ololaha qaran.
Kulankan istiraatiijiga ah waxa lagu falanqeeyey dib-u-qiimeynta nidaamyada jira, kor u qaadista tayada kormeerka iyo hubinta in habraacyadu la jaanqaadaan horumarka teknoolojiyadda casriga ah.
Khubaradii kulanka hoggaaminaysay ayaa soo bandhigay nid.
Nidaamkan cusub ayaa sahli doona la socodka iyo falanqaynta waxqabadka ololayaasha tallaalka, isla markaana kor u qaadi doona saxnaanta xogta iyo dedejinta go’aan qaadashada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa sheegay in tayada kormeerku ay laf-dhabar u tahay guusha mashruuca tallaalka.
Waxa uu xusay in nidaamkan cusub marka la hirgeliyo loo ballaadhin doono mashaariicda kale ee wasaaradda si loo helo hannaan shaqo oo mideysan oo casri ah.
Dhanka maamulka, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa shir-guddoomiyey shirka bilaha ah ee ay yeeshaan hoggaanka sare ee wasaaradda iyo agaasime-waaxeedyada kala duwan.
Shirkan oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa lagu qiimeeyey waxqabadka waaxyaha kala duwan, heerka fulinta qorshayaasha shaqo, iyo caqabadaha jira. Masuuliyiinta sare ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhegaystay agaasime-waaxeedyada, iyaga oo ku ammaanay dadaalka ay ku horumarinayaan adeegyada caafimaadka dalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sidoo kale ka guddoontay agab caafimaad iyo dawooyin kala duwan hay’adda World Health Organization.
Agabkan ayaa loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaadka iyo diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee dalka.
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa uga mahadceliyey hay’adda WHO taageerada joogtada ah ee ay siiso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada caafimaadka, kaydka daawooyinka iyo gurmadka xaaladaha bini’aadantinimo.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sidoo kale si rasmi ah u xadhigga uga jaray dhismaha cusub ee Kaydka Tallaalka ee Gobolka Maroodi-Jeex, mashruucan muhiimka ah waxa iska kaashaday Wasaaradda iyo hay’adda UNICEF, waxaana loogu talagalay xoojinta nidaamka kaydinta tallaallada qaranka.
Dhanka kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa xadhigga ka jaray mashruuca dib-u-habaynta iyo casriyeynta xafiisyada waaxyaha ee xarunta dhexe ee wasaaradda.
Mashruucan oo lagu qalabeeyey in ka badan 16 xafiis ayaa lagu maalgeliyey mashruuca Damal Caafimaad ee uu taageero World Bank.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in dib-u-habayntani kor u qaadi doonto hufnaanta maamulka, isku-xidhnaanta waaxyaha iyo tayada shaqo ee wasaaradda.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sidoo kale kulan istiraatiiji ah la yeelatay madaxda hay’adda UNICEF oo uu hoggaaminayey Mads Oyen.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, nafaqada, tallaalka iyo u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.
Wasaaradda oo kaashanaysa hay’adda Population Services International ayaa qabatay laba tababar oo muhiim ah.
Mid ka mid ah tababarada ayaa loo qabtay wacyigeliyeyaasha bulshada ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagu baray hababka wax ku oolka ah ee wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha kala-korinta ubadka iyo caafimaadka hooyada.
Tababarka labaad ayaa loo qabtay 25 dhakhtar oo ka kala socday xarumaha caafimaadka ee Hargeysa, kuwaas oo lagu baray adeegyada Post Abortion Care (PAC) si kor loogu qaado daryeelka caafimaadka hooyada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku maraya gobollada Bariga Somaliland, iyaga oo kormeer ku sameeyey xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalooyin iyo deegaanno ay ka mid yihiin Burco, Caynaba, Ceel Afweyn, Qoryaale, Qaloocan, Harada Gubataxil iyo Waraabeeye.
Socdaalkan ayaa ujeeddadiisu tahay in si toos ah loo qiimeeyo xaaladda adeegyada caafimaadka ee deegaannada fog-fog, loona ogaado baahiyaha jira.
Intii ay ku sugnaayeen degmada Caynaba, wasiirku waxa uu si rasmi ah u xadhigga uga jaray qayb cusub oo lagu xanaaneeyo carruurta aan sidkoodu gaadhin (Neonatal Care Unit) oo laga hirgeliyey cusbitaalka degmada.
Safarkaasi waxa kale oo uu ku saabsanaa dhagax-dhigga xannaanada degmada Lixle ee magaalada Burco, taas oo qayb ka ah qorshaha wasaaradda ee lagu ballaadhinayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Sidoo kale, degmada Ceel-Afweyn ayaa laga daahfuray barnaamij caafimaad oo ay si wadajir ah u hirgeliyeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, United Nations Population Fund, iyo King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre, kaas oo bulshada lagu gaadhsiinayo adeegyo caafimaad oo dhammaystiran.
Guud ahaan, hawlaha kala duwan ee ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waddo ayaa muujinaya dadaal ballaadhan oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka dalka.
Tababarada shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha caafimaadka, casriyeynta habraacyada maamulka, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ayaa dhammaantood door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta adeeg caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana gaadha dhammaan bulshada Somaliland.
Barnaamijkani wuxuu muujinayaa dadaallada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ku horumarinayso adeegyada caafimaadka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababarka shaqaalaha caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha caafimaadka, casriyeynta nidaamyada maamulka iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, si bulshada Somaliland loo gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh.

























