Bisaylka Dimuqraadiyadda Somaliland Waa Cashar Afrika ka Baran Karto

0
101

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland waa tusaale muuqda oo ka tarjumaya bisayl iyo qaangaadhnimo dimuqraadiyadeed, oo ay cashar ka baran karaan waddamada Afrika iyo dunida inteeda kale. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo khudbad  ka jeediyey shirkii 8aad ee Siyaasadda Afrika ee magaalada Akra, ee dalka Gaana ayaa mar kale caddeysay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar siyaasadeed oo la taaban karo.

Guddoomiye Xirsi oo ka mid ahaa madaxda caalamka ee shirkan ka qayb-galay wuxuu khudbaddiisa diiradda ku saaray dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo, isagoo tilmaamay in Somaliland ay tusaale cad u tahay sida bulsho isku kalsoon ay u dhisi karto hannaan dimuqraadi ah, xitaa marka ay jiraan duruufo adag. Waxay tani muujinaysaa in dimuqraadiyaddu aanay ku koobnayn doorashooyin keliya, balse ay tahay awood bulsho iyo hannaan maamul oo hufan, kuna dhisan is ixtiraam, cadaalad, iyo xasillooni.

Sidoo kale, Khudbadda Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa caddeysay in guulaha Somaliland ay yihiin casharro ay dalalka kale ee Afrika ka baran karaan, gaar ahaan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, wadashaqaynta siyaasadeed, iyo ka qaybqaadashada siyaasaadda ee qaybaha kala duwan ee bulshada. Doorashooyin nabad ah, isbeddello siyaasadeed oo la aqbalo, iyo awood qaybsi ku saleysan hannaanka dastuuriga ah waxay caddeynayaan in Somaliland ay tahay qaran tusaale u noqon kara dalalka qaaradda.

Guntii iyo gabagabadii, guusha hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xasiloonida siyaasadeed ee Somaliland waa caddayn muujinaysa sida ay kaalin weyn uga qaadan karto horumarinta fikradaha siyaasadeed ee Afrika. Waa fursad dahabi ah oo dalalka qaaraddu ay casharo kaga  baran karaan sida loo dhiso bulsho isku kalsoon oo u adeegta danta guud, isla markaana loo  dhiso dimuqraadiyad dhab ah oo waarta.

Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waa calamad dimuqraadiyadeed oo ka dhex ifaysa Afrika iyo guud ahaan caalamka, taasoo muujinaysa in hirgelinta dimuqraadiyad dhab ah ay suurtogal tahay, xitaa marka caqabaduhu badan yihiin ama duruufo adagi ay jiraan. Waxay tahay cashar iyo waayo-aragnimo siyaasadeed oo dhiirrigelinaya horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hanaanka siyaasadeed ee qaaradda, si loo xaqiijiyo horumar, xasillooni, iyo mustaqbal ifaya.