Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay wargeyska afka Faransiiska ku hadle ee Le Monde ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay waddan madax-banaan oo ku yaalla goob istiraatiiji ah, isla markaana isu dheelitiray xasillooni, himilada siyaasadeed ee qaran, maalgashi caalami ah, iyo loolanka quwadaha waaweyn ee juqraafi-siyaasadeed.
Sida lagu sheegay warbixintan, mid ka mid ah indha-indheynta ugu yaabka badan ee ay sameeyeen kooxda France 24 ayaa ahayd isbarbardhigga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Warbixintu waxay sheegtay in Soomaaliya ay la il-darantahay amni-darro, qalaalase- siyaasadeed, iyo rabshadaha ka imanaya kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab. Halka Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah, deggan, oo ammaan ah.
Warbixintan oo ay diyaariyeen suxufiyiin ka tirsan Wargeyska Le Monde, kuwaas oo ay ka mid ahaa Wariye Noé Auch-Baudin iyo sawir qaade Francesca Fattori, ayaa tilmaantay in Somaliland ay hirgelisay nidaam dawladeed oo ku dhisan nabadgelyo buuxda, taasoo u oggolaanaysa suxufiyiinta iyo dadka ajaanibta ah inay si xor ah ugu dhex socdaan Hargeysa iyo magaalada xeebta ah ee Berbera, taas oo aan macquul ka ahayn Muqdisho.
Sidoo kale, warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, waxay iftiimisay sida Somaliland ay xoogga u saartay dhismaha maamulka dimuqraadi ah, doorashooyin daahfuran oo si joogto ah u dhaca, iyo nabadgelyo la taaban karo oo lagu garto xiliga kala-guurka siyaasadeed. Sidoo kale xustay muhiimadda dekedda Berbera, oo lagu tilmaamay udub dhexaadka himilada istiraatiijiyeed ee Somaliland, taasoo si isa soo taraysa muhiim ugu noqotay siyaasadda juqraafiyeed ee adduunka.




















