Dalka Masar waxa ka jira xirfado gaboobay oo ku baahsan dalkaasi goobo qarsoon. Waa farsamo la iska dhaxlo waxaana ka mid ah xirfadda ilaalinta iyo u xiiradda dameeraha.
Wargeyska Al-masar Alyoum ayaa soo bandhigay in Tima jare Axmed Saqluul uu yahay xirfad yahan Dameeraha ka xiira dhogorta. Tima jare Saqluul oo wargeyska la hadlayay ayaa sheegay in halkii Dameerba uu ugu xiiro lacag dhan $ 1.7, isla markaana ay ku qaadato wakhti dhan 10 daqiiqo keliya.
Axmed Saqluul waxa uu ku nool yahay gobolka Bani-Suwayf ee dalka Masar ayaa sheegay in xirfadiisu aana ku koobnayn gobolkaasi keliya ee uu tago deegaano kale.
Waxaan uu yidhi isagoo ka waramaya shaqadiisa: “Mihnadda Dameerka loo xiirayo, waxaan ku tiirsanaa tan iyo yaraantaydii, mararka qaar astaan goonni ah ayaan ku sawiraa dameerka inta u dhaxaysa labadiisa indhood. Dameerrada oo dhan waxaan dhogorta uga jaraa maqas, inkasta oo hadda ay noo bedeshay makiinad aan si isku mid ah uugu xiirno.” Waxa kale oo uu sheegay in dadka beeralayda ah iyo kuwa kale ee dhaqda dameerahaba ay u keenaan iyagoo ka ilaalinaya inay ku dhashaan cuduro inta uu dhogorta badan leeyahay.
Waxaana uu ku soo xidhaymaysaa waayo dadkii hawshaasi qabanayay ayaa u batay isla markaana waxa soo baxaya in dakhligeedu yaraado oo aanu is bixin karin






















