Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo si cad uga tarjumaysa himilada qaran ee Somaliland, isaga oo dawladda Sweden ugu baaqay inay noqoto dalkii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Hadalkan ayaa muujinaya jihada istaraatiijiyadeed iyo dedaalada joogtada ah ee Somaliland ku kasbanayso aqoonsi buuxa iyo xoojinta xidhiidhadeeda caalamka.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Dowladda Sweden, halkaas oo uu kula wadaagay aragti siyaasadeed oo ku wajahan xoojinta fahamka caalamiga ah ee qadiyadda Somaliland. . Waxa uu sidoo kale soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib-u-eegista siyaasadaha hore ee ku salaysnaa aragtida “Somalia mid ah”, isaga oo xusay in isbeddellada Geeska Afrika ay horseedeen xaqiiqo cusub oo u baahan faham iyo la-qabsi siyaasadeed oo casri ah.
“Waxa aanu jecelnahay in Sweden ay ka mid noqoto waddamada beddelaya siyaasaddooda ku aaddan Somaliland. Juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika si degdeg ah ayuu isu beddelayaa, sidaas darteed waxa aanu rajaynaynaa in Sweden ay qaadato siyaasad cusub oo waafaqsan xaqiiqada jirta,” ayuu yidhi Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre.
Baaqani waxa uu ka tarjumayaa isbeddellada istiraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika, Sidoo kale hadalka guddoomiye Khayre waxa uu si cad u iftiiminayaa in iskaashiga caalamiga, amniga iyo ganacsiga ay xiligan noqdeen tiirarka ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo xidhiidhka dawladaha iyo sidas Jamhuuriyadda Somaliland ay u sii xoojinayso doorkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee wadajirka ah, iyada oo muujinaysa diyaargarow ay si firfircoon ugaga qayb qaadato doodaha iyo fagaarayaasha diblomaasiyadda caalamiga ah.
Sidoo kale, mahadcelinta uu u jeediyay Dowladda Sweden ee la xidhiidha martigelinta iyo taageerada qurba-joogta Somaliland waxay muujinaysaa muhiimadda xidhiidhka bulsho iyo doorka ay qurba-joogtu ku leeyihiin horumarka dalka. Ugu dambayn, baaqani waxa uu ka tarjumayaa himilo lagu xoojinayo isfaham caalami ah, iyo dedaalada joogtada ah ee Somaliland ku dhisaysoo xidhiidh ku salaysan iskaashi, ixtiraam iyo dano wadaag ah oo u dhexeeya Somaliland iyo saaxiibadeeda caalamka. Sidaa darteed arrintani waxa ay muujinaysaa sida Jamhuuriyadda Somaliland ay ugu tallaabsatay horumar muuqda oo dhinaca dhismaha dawladnimada ah, xasillooni, dimuqraadiyad iyo horumar hay’adeed oo joogto ah.





















