“Somaliland iyo Doorkeeda Loollanka Quwaddaha Adduunka!” The JC:

0
70

Hargeysa (Dawam) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Dowladda Israa’iil, isagoo xusay in xidhiidhka istaraatiijiga ah ee labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo oo ku dhisan daacadnimo iyo is-ixtiraam wadajir ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Jewish Chronicle ayaa si kalsooni leh u sheegay in cid kasta oo ka xanaaqsan xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil ay xor u tahay inay aragtideeda ku koobnaato, isagoo hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xidhiidh saaxiibnimo la yeelato waddan kasta oo ay dan u aragto.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil uu yahay mid istaraatiiji ah oo si rasmi ah u sii xoogaysanaya, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo diblumaasiyadda. Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tago magaalada Qudus dabayaaqada sanadkan.

Warbixintu waxay si qoto-dheer uga hadashay taariikhda Somaliland, iyadoo tilmaantay in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan sanadkii 1960 ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya. Waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo xasilloon marka loo eego xaaladda gobolka, isla markaana si weyn uga duwan deegaanada kale ee Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Somaliland ay si cad ula safatay waddamada dimuqraadiga ah, taas oo lagu muujiyay xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil. Waxa lagu tilmaamay in Somaliland ay dooratay iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka reer Galbeedka, xilli ay sii kordhayaan loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya quwadaha waaweyn ee adduunka sida reer Galbeedka, Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan.