Kim Jong Un oo ah madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa amar ku bixiyay in ciidamada badda ay dhisaan markab burburiye ah oo 10,000-tan ah isla markaana ay sameeyaan hub qarsoodi ah oo biyaha hoostooda ku jira, ka hor inta aanu wadanka booqsho ku iman Xi Jinping oo ah madaxweynaha Shiinaha.
Sida laga soo xigtay wargeyska rasmiga ah ee Rodong Sinmun Sabtidii, Kim wuxuu kormeeray tijaabo dhanka badda ah Khamiistii, isaga oo raacay markab dagaal oo 5,000-tan ah oo Kang Kon ah, isla markaana uu arkay markab kale oo 5,000-tan ah oo la yidhaahdo Choe Hyon, isaga oo sii wada booqashada goobaha militariga iyo hubka ka hor booqashada Xi . Markabka Kang Won ayaa qayb ahaan ku rogmaday munaasabad lagu soo bandhigayay sanadkii hore, waxaana loo baahday in dib loo hagaajiyo.
Khamiistii, Kim wuxuu ku baaqay in la ballaadhiyo hubka nukliyeerka ee dalkiisa intii uu booqanayay xarun cusub oo laga furay wax soo saarka nukliyeerka.
Xi wuxuu booqan doonaa Pyongyang laga bilaabo 8 ilaa 9 Juun, waana booqashadii labaad ee hoggaamiyaha Shiinaha muddo toddobo sano ah, isaga oo doonaya inuu Kuuriyada Waqooyi, oo ah saaxiibka kaliya ee rasmiga ah ee heshiiska, dib ugu soo celiyo xidhiidhka dhow ee ay la leedahay Ruushka.
Kim wuxuu sheegay in Pyongyang ay tahay inay xoojiso awooddeeda badda si ay uga hortagto weerar nukliyeer ah, wuxuuna ku baaqay awoodo milatari oo xooggan oo ka kala socda dhulka, badda iyo cirka, sida uu sheegay Rodong Sinmun.
Intii uu ku guda jiray kormeerka markabka, Kim waxaa ku soo biiray inantiisa, oo la rumeysan yahay inay tahay dhallinyaro lagu magacaabo Ju Ae, sida laga soo xigtay sawir ay baahisay warbaahinta dowladda.
Bishii May ee sanadkii 2025, Kuuriyada Waqooyi waxay ku dhawaaqday in dhistay markab burburiye ah oo 5,000-tan ah, laakiin intii lagu jiray ka soo saarista dekedda Chongjin oo lagu sameeyey ayuu rogmaday. Kim, oo kormeerayay xafladda, ayaa cambaareeyay shilka isaga oo ku tilmaamay “fal dambiyeed” oo aan loo dulqaadan karin. Markii markabka lagu hagaajiyay dekedda Rajin, xaflad labaad oo lagu soo bandhigayo ayaa la qabtay bishii xigtay, markabkana waxaa loogu magac daray Kang Kon.
Hong Min, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Machadka Mideynta Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in tani ay tahay markii ugu horreysay ee Kuuriyada Waqooyi ay soo hadal qaado qorshe lagu dhisayo markab burburiye ah oo 10,000-tan ah.
Hong ayaa intaa ku daray in Kim laga yaabo inuu doonayo inuu soo bandhigo awoodaha dalkiisa ka hor booqashada Xi.




















