Japan oo shan jibaartay qiimaha dal ku gal markii ugu horreysay tan iyo 1978

0
58

Japan waxay hirgelisay korodh shan laab ah oo lagu sameeyay khidmadaha fiisaha ee dhammaan ajaanibta, taas oo noqotay korodhkii ugu horreeyay ee qiimaha ah muddo ku dhow 50 sano.

Laga bilaabo 1 July, khidmadaha fiisaha hal mar la galo oo ah 3,000 yen ($18.69; £14) uu noqon doono 15,000 yen, halka fiisooyinka ka badan hal mar ay hadda ku kici doonaan 30,000 yen, iyaga oo hore u ahaa 6,000 yen.

Dib-u-eegista qiimaha fiisaha, waa tii ugu horreesay tan iyo 1978, waxaana sidaa loo sameeyey si loo “muujiyo sicir bararka iyo isbeddelka sarrifka lacagaha,” Wasiirka Arrimaha Dibedda Toshimitsu Motegi ayaa sidaa u sheegay saxaafadda Jimcihii.

“Ma fileyno inay saameyn degdeg ah ku yeelan doonto dalxiiska soo galaya,” ayuu raaciyay.

Yen-ka Japan ayaa si joogto ah u daciifayay tan iyo 2021, haddana wuxuu ku dhow yahay hoos u dhac taariikhi ah oo 40 sano ah.

Iyada oo ay Japan ka soo kabanayso dib u dhicii ka dhashay cuduradii faafa ee Covid, waxa kordhay dalxiisayaasha u imanaya Japan. Dalka ayaa sannadkii hore soo dhaweeyay dalxiisayaal caalami ah oo gaadhay 42.7 milyan.

Bishii May, Aqalka Sare ee Japan ayaa meel mariyay sharcigan lagu kordhinayo khidmadaha kale ee khuseeya ajaanibta.

Marka la eego dib-u-eegistan, codsiyada degenaanshaha joogtada ah wuxuu gaadhi doonaa illaa 300,000 yen, wuxuu noqon doonaa 30 jibaar qiimaha hadda jira ee 10,000 yen. Waxa kale oo qiimuhu ku kici doonaa ilaa 100,000 yen marka la beddelayo xaaladda degenaanshaha ama loo kordhiyo muddada joogitaanka.

Mas’uuliyiinta riixaya kordhinta khidmadaha ayaa sheegaya in Japan ay tahay inay khidmadaha la xidhiidha fiisaha iyo degenaanshaha u dhigto kuwo u dhow kuwa dhaqaalaha kale ee dalalka G7.

Tusaale ahaan, Maraykanka, khidmadaha codsiga fiisaha aan soogalootiga ahayn waxay u dhexeeyaan $185 ilaa $315. Booqdayaasha UK, fiisaha muddada gaaban ee caadiga ah oo leh ugu badnaan lix bilood joogitaan ah wuxuu ku kacayaa £135.