Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Maraykanka ee PragerU ayaa baahisay barnaamij cusub oo cinwaan looga dhigay “Waa Maxay Somaliland? Dimuqraadiyadda Afrika” (What Is Somaliland?. The African Democracy “, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyey taariikhda, nidaamka dimuqraadiyadeed, istaraatiijiyadda juqraafiyeed iyo fursadaha maalgashi ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Shabbos Kestenbaum, waxaana marti ku ah Agaasimaha Guud ee Somaliland Investment and Trade, Xasan Aadan. Barnaamijkan ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay horumarka ay Somaliland ka samaysay dhismaha hay’adaha dawliga ah, nabadgelyada, doorashooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo dedaallada ay muddada dheer ugu jirtay sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.
Sidoo kale, waxa lagu soo bandhigay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dekedda Berbera iyo xeebaha Somaliland ee Gacanka Cadmeed, iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin marin muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka. Waxa kale oo lagaga hadlay fursadaha maalgashi ee Somaliland u fidinayso shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada macdanta, tamarta, saliidda iyo gaasta.
Barnaamijku wuxuu sidoo kale taabtay arrimo la xidhiidha siyaasadda gobolka iyo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalal kala duwan ee caalamka, isaga oo soo bandhigay aragtiyo ku saabsan doorka ay Somaliland ka qaadan karto xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashiga caalamiga ah.
Baahinta barnaamijkan ayaa qayb ka ah korodhka danaynta ay warbaahinta caalamku u muujinayso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo lagu soo bandhigayo horumarka ay ka gaadhay dimuqraadiyadda, daah-furnaanta iyo tartarnka xorta ah ee doorashooyinka, badgelyada iyo fursadaha maalgashi ee ay leedahay.




















