Rejadu Waa Adkaysiga Wakhtiga Adag!

0
7

Mudadii socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Britain waxay wajahday mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa taariikhdeeda. Sanadkii 1940, ciidamadii  Jarmalka “Nazi Germany” waxay qabsadeen dalal badan oo Yurub ah oo Faransiiskuna kamid yahay. Ingriisku waxa u muuqday in dgaalka uu kaligood wajahayaan awoodda Jarmalka.

Wakhtigaasi waxa hoggaanka Britain qabtay ra’iisal wasaarihii Winston Churchill. Dad badan waxay ka baqayeen in Britain lagu khasbo inay heshiis la gasho Hitler madaama awoodda Jarmalku ay xoog badnayd.Laakiin Churchill wuxuu diiday in dalkiisa cabsi darteed isku dhiibo oo uu heshiis la galo Hitler.

Winston Churchill.  Waxa uu ujeedin jiray shacabka, khudbado uu ku dhiirgelinayay inay adkaystaan. Maalmo iyo habeenno badan diyaaradaha Jarmalku waxay duqaynayeen magaalooyinka Britain, gaar ahaan London, Guryihii ayaa burburay, dad badanina way dhinteen.

Iyadoo dhibkaasi jiro haddana shacabka Britain waxay isku dayeen inay nolosha sii wataan. Churchill wuxuu noqday astaan u taagan adkaysiga iyo diidmada in laga baqo cadowga. Ugu dambayn Britain waxay ka badbaadday weerarradii Jarmalka, dagaalkiina wuxuu sii galay Hogaamiyhu bulshadiisa rajo ayuu siiyay xataa mararka ay u muuqato in aan rajo jirin.