Golaha Wakiilada oo Bogaadin u Diray Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Itoobiya

0
7

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiillada Somaliland ayaa hambalyo rasmi ah u diray Axmed Shide, oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, isagoo noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee xilkan sare ka qabta Baarlamaanka Itoobiya.

Farriinta hambalyada oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland, Mudane Siciid Mire Faarax Giirre, ayaa lagu sheegay in doorashada Axmed Shide ay ka tarjumayso kalsoonida loo qabo hoggaamintiisa, waayo-aragnimadiisa siyaasadeed iyo kartidiisa dhinaca maamulka dawliga ah.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Axmed Shide ugu hambalyeeyey xilka cusub, isagoo xusay inay tahay masuuliyad culus oo u baahan hoggaan karti leh, isla markaana ugu baaqay inuu xoojiyo awoodda sharci-dejinta, kormeerka iyo isla-xisaabtanka Golaha Wakiillada Itoobiya.

“Waxaan si buuxda u garwaaqsanahay muhiimadda ay leedahay in aad hoggaamiso hawlaha Golaha, xoojiso awooddiisa sharci-dejineed iyo masuuliyadaha kormeerka, isla markaana aad gacan ka geysato maamul baarlamaan oo wax-ku-ool ah oo isla-xisaabtan leh,” ayaa lagu yidhi farriinta.

Goluhu waxa kale oo uu xusay waayo-aragnimada dheer ee Axmed Shide, oo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin hoggaamin heer deegaan iyo masuuliyado wasiirnimo, isagoo tilmaamay in khibraddiisaasi ay muhiim u noqon karto gudashada xilka cusub.

Dhanka kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga baarlamaannada gobolka, isagoo sheegay in iskaashigaasi gacan ka geysan karo horumarinta sharci-dejinta, maamul-wanaagga, isla-xisaabtanka iyo is-weydaarsiga khibradaha hay’adaha sharci-dejinta.

Goluhu waxa uu rajo ka muujiyey in xilka cusub ee Axmed Shide uu fursad u noqon doono xoojinta xidhiidhka baarlamaan ee Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa hambalyo u diray Muferihat Kamil, oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Federaalka Itoobiya, iyo masuuliyiinta kale ee loo doortay xilalka sare ee baarlamaanka, iyagoo u rajeeyey hoggaanka cusub guul, nabad, maamul-wanaag iyo horumar.