Madaxweynaha oo Shacabka ugu Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan 1447

0
131

Qore Wariye C/wahaab Daahir

Hargaysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa hambalyo ku aaddan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan 1447 Hijriya/2026 u diray shacabka Somaliland. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Ramadaan bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Alle SWT u hibeeyey addoomihiisa, si ay ugu xoojiyaan cibaadada, isu saxaan naf iyo qalbi, una raadsadaan dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah. Waxa uu xusay in bishani tahay xilli lagu adkeeyo Alle ka cabsiga, lagu kobciyo samafalka iyo is-cafiska, isla markaana lagu xoojiyo qiyamka walaaltinimo iyo midnimada bulshada.

”Shacabkayga qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxa aan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa Curashada Bisha Barakaysan ee Soon -Ramadaan 1447 Hijriya / 2026. Waa bil fadli iyo naxariis huwan oo uu Allah SWT innoo hibeeyey, si aynu ugu xoojinno cibaadadada, toosin naf iyo qalbi lehna u sameynno, una raadsanno dembi-dhaaf iyo ajar labanlaab ah.

Bishani waa xilli aynu xoojinno Alle ka cabsiga, samafalka, is-cafis-ka iyo isu damqashada dhexeeenna ah; waa wakhti aynu sare ugu qaadno qiyamka walaaltinimo, wadajirka iyo isku duubnida bulshadeenna”ayuu yidhi Madaxwayne Ciro.

Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyey shacabka inay muujiyaan isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah, gaar ahaan garab istaagga dadka danyarta ah iyo qoysaska ay saameeyeen duruufaha nololeed iyo abaaruhu. Waxa uu adkeeyey in Bsha Ramadaan tahay fursad lagu xoojiyo nabadda, lagu kobciyo akhlaaqda suubban, laguna dhiso bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar iyo barwaaqo. Ugu dambayn, waxa uu Alle ka baryey in uu ka aqbalo ummadda Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah, kana yeelo bishan mid nabad iyo barako ku waabariisata dalka iyo dadkaba.

Waxa aan idinku boorrinayaa in aynu bishan barakaysan ku muujinno isku-tashi iyo is-kaalmayn dhab ah; in aynu garab istaagno dadka danyarta ah, qoysaska nugul, iyo muwaadiniinta ay saameeyeen duruufaha nololeed, gaar ahaan abaaruhu. Taageeridda iyo taakuleynta walaalaheen waa waajib diini ah iyo mid qaranba ah.

Ramadaan waa bil aynu ku adkeynno midnimadeenna, ku xoojino nabaddeenna, kuna kobcinno akhlaaqda iyo qiyamka suubban ee diinteennu ina farayso. Waa fursad aynu ku dhisno bulsho isku duuban oo ku tallaabsata horumar, barwaaqo iyo wada-noolaansho.

Ugu dambayn, waxa aan Alle SWT ka baryayaa in uu innaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka khayrka ah; kana yeelo bishan mid nabad, barako iyo bash-bash ku waabariisata dalkeenna iyo dadkeenna”ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxwaynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.