Burco (Dawan) Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco ayaa si adag uga falceliyey hadallada nacaybka iyo cadaawadda ku dhisan ee ay muddooyinkan dambe ku celcelinayeen qaar ka mid ah kooxaha diimeed iyo siyaasiyiinta Soomaaliya, hadalladaasi oo ay ku tilmaameen kuwo si joogto ah loogu beegsanayo qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, isla markaana lagu cambaaraynayo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay la yeelatay Israa’iil.
Wargeyska Dawan ayaa arrintan ka waraystay qaar ka mid ah bulshada magaalada Burco, kuwaas oo sheegay in weerarrada afka ah iyo hadallada ka imanaya siyaasiyiinta, kooxaha diimeed iyo wadaaddada Soomaaliya aanay ahayn wax cusub, balse ay ka tarjumayaan cadaawadda iyo nacaybka muddada dheer soo jiray ee sida qaawan loogu hayo jiritaanka iyo qarannimada Somaliland. Sidoo kale waxay ugu baaqeen in ay ixtiraamaan diinta Islaamka oo ay iska daayaan in sharceeda ay u adeegsadaan arrinnmo siyaasadeed.
Qaybaha kala duwan ee bulshada Burco ee Wargeyska Dawan la kulmay ayaa xusay in arrinta ugu walaaca badan ay tahay hadallada been abuurka ee ay sameeyaan rag sheeganaya in ay ka mid yihiin wadaaddada iyo culimada Islaamka, kuwaas oo si joogto ah bulshada u majaro-habaabinaya wax aan jirin. Iyaga oo isku dayaya in ay sawir khaldan ka bixiyaan Somaliland, kuwaas oo nacaybkooda ku daboolaya fasiraado diimeed iyo fatwooyin aan waafaqsanayn doorka iyo masuuliyadda culimada Islaamka.
Oday Yuusuf Axmed Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Burco oo Wargeyska Dawan wax ka waydiiyay arrintan, ayaa sheegay in aflagaaddada iyo cambaaraynta joogtada ah ee ay caadaysteen wadaaddada Soomaaliya aanay ka mid ahayn akhlaaqda iyo dhaqanka Islaamka. Oday Yuusuf oo ka oo jawaabayay weerarka qaawan ee wadaadada Soomaaliya ku soo qaadeen qarannimada Somaliland ayaa yidhi.”Cayda iyo aflegaadadu maaha dhaqanka qof Muslim ah, mana aha mid ka suuragasha qof sheeganaya inuu yahay sheekh ama caalim. Waxa nasiib-darro ah in aayado iyo axaadiis loo adeegsado arrimo siyaasadeed, ama la diimeeyo xidhiidhada siyaasadeed, iyadoo la isku dayayo in jiritaanka Somaliland lagu tilmaamo wax shareecada ka hor imanaya iyo in aqoonsiga Somaliland yahay baadil iyo arrin wax u dhimaya diinta Islaamka”
Waxa uu intaas ku daray in waddaadada iyo ragga culimada sheeganaya ee ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil aanay ka hadlin dalalka kale ee Islaamka ah ee xidhiidhka la leh Israa’iil. “Diinta Alle looma adeegsan karo dacaayad siyaasadeed iyo wax ka sheegga ummad dhan. Culimadu waa inay ka shaqeeyaan isu-soo-dhoweynta bulshada iyo faafinta nabadda,” ayuu yidhi.
Oday Yuusuf Axmed Xuseen waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Raggaas culimada sheeganaya hadalladooda waxa ka muuqda cadaawadda ay u hayaan Qaranka Somaliland, waxay leeyihiin muxuu u jiraa, dadkiisu maxay u nool yihiin, maxay sidayada u burburi waayeen, balse arrinku maaha Israa’iil iyo Somaliland Xidhiidhkooda Dublamaasiyadeed. Waxa kale oo aan arkayay nin lagu magacaabo Sheekh Maxamuud Xaaji oo sheegaya in ay xaaraan tahay in Somaliland xidhiidh la yeelato Israa iil iyo in ay aqbasho aqoonsiga Israa’iil ku dhawaaqday. Haada muu odhan waa xaaraan in dalalka Islaamku xidhiidh la yeeshaan Israa’iil laakiin waxa keliya ee uu ka soo horjeeda waa aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil.”
Maxamed Axmed Ibraahim oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahannada ah ee Magaalada Burco oo wargeyska Dawan wax ka waydiiyay weerarada qaawan ee siyaasiyiinta iyo culimada Soomaaliya ku soo qaadeen qarannimada Somaliland ayaa sheegay in dadka ka hadlaya Somaliland ay tahay inay marka hore eegaan xaaladda dalkooda. Waxaanu yidhi “Somaliland uma baahna casharro ka yimaadda dad amnigooda lagu ilaaliyo ciidamo ajaanib ah. Waxa nasiib-darro ah in qof amnigiisa ay sugaan ciidamo ajaanib ahi uu doonayo inuu Somaliland siiyo casharro ku saabsan dawladnimo iyo diin. Somaliland waxay leedahay culimo iyo aqoonyahanno bulshada ku hagaya wanaag iyo wacyigelin, mana dhacdo in culimadeennu ku mashquulaan aflagaaddaynta bulshooyin kale.”
Hinda Cismaan Ilka-case ayaa iyaduna sheegtay in hadallada af-lagaadada ah iyo weerarka qaawan ee ka dhanka ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka tarjumayaan sida ay uga xun yihiin horumarka Somaliland. “Waxa ay ka xun yihiin guusha Somaliland, xasillooni, dawladnimo iyo horumar ay gaadhay Somaliland.” ayay tidhi Hinda Cismaan Ilka-case.
Maxamed Ibraahim Canteen ayaa ugu dambayn ku baaqay in shacabka Somaliland ay sii xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda. “Bulshada Somaliland waa inay fahmaan in weerarrada noocan ahi aanay ku koobnayn arrinta Israa’iil, balse ay qayb ka yihiin olole siyaasadeed oo lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. Jawaabta ugu habboonna waa midnimo, isku-duubni iyo ilaalinta qarannimada,” ayuu yidhi.




















