Dagaalka Lagu Joojinayo Gudniinka Fircoonigga ah ee Dalka Colombia oo Gaadhay Halkii u Dambaysay

0
62

Colombia ayaa hadda noqotay waddankii ugu horreeyay ee Latin Ameerika ah ee ansixiya sharci qaran oo mamnuucaya gudniinka fircooniga ah ee dumarka, ama FGM. Muddo dheer ayuu dhaqanka gudniinka Fircooniga ahi ka socday dalkaas, inkasta oo bulshooyinka qaarkood iska daayeen, hadana weli wuxuu ka sii socdaa dadka asaliga ah.  Claudia Quiragama oo ah hoggaamiye u dhashay dadka asaliga ah ee Embera, waxay ka soo jeedaa bulsho fog oo weli lagu hayo dhaqanka. Waxay ku tilmaantay dhacdadan inay tahay marxalad isbeddel ah.

Claudia Quiragama waxay u mahadcelinaysaa dhammaan sharci-dejiyeyaasha, iyada oo booqatay golaha Arbacadii.  Arbacadii waxay ahayd dooddii afraad iyo tii ugu dambeysay doodo lagaga doodayey Hindise-sharciyeedka  tirsigiisu yahay 440, kaas oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Ninas sin ablacion” ama “Gabdho  ka xor ah gudniinka “.

Kadib dedaal laba sano socday, sharcigan ayaa si aqlabiyad ah loo ansixiyay. Hadda wuxuu sugayaa ansixinta madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro.

Kolombiya waa dalka kaliya ee Latin Ameerika ee weli laga isticmaalo dhaqankan, inta badan bulshooyinka Embera ee ku yaal waaxyaha galbeedka ee Choco iyo Risaralda ayaa aad u isticmaala.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa u aqoonsatay xadgudub xuquuqda aadamaha ah, gudniinka xubinta taranka dumarka ee la goynayo iyada oo loo marayo habab sida jarista ama gubista.

Laakiin dhaqanku wali waa mid baahsan. Qiyaastii 230 milyan oo haween iyo gabdho ah oo adduunka oo dhan ah ayaa lagu qiyaasay inay maraan nooc ka mid ah gudniinka fircooniga.

Labaatankii sano ee ka dambeeyay, hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta asaliga ah waxay ku dagaallameen sidii loo joojin lahaa dhaqankan. Laakiin caadooyinka sirta ah, ayay ka digayaan in ay weli way taagan yihiin.

Quiragama waxay si toos ah u ogtahay sida ay u adag tahay in la raadraaco dhacdooyinka gudniinka fircooniga ah. Bulshadeeda ku nool Choco waa mid ka mid ah meelaha uu weli ka jiro dhaqanku.

“Hore, gabdho badan ayaa ugu dhintay,” Quiragama ayaa sheegtay. “Laakiin hooyooyinkood waligood may  sheegin inay u dhinteen sababtan awgeed. Waxay ku sheegeen xanuuno kale.”