Farshaxaniiste Ruush ah oo dhaleecayn jiray Putin ayaa lagu toogtay Poland

0
64

Booliska Poland ayaa baadhaya qaabka dilkii loo geystay farshaxaniste Ruush ah oo si weyn u dhaliili jiray Madaxweyne Vladimir Putin. Dacwad oogeyaasha Poland ayaa sheegay in Robert K, oo loo yaqaanay farshaxaniistaha Semyon Skrepetsky, lagu toogtay Isniintii subaxnimadii magaalada Biała Podlaska ee Poland, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jirta xadka Belarus.

Ninkan oo 44 jir ah ayaa shan jeer laga toogtay madaxa, laabta iyo dhabarka goob baabuurta la dhigto oo ku taal magaalada, oo qiyaastii 600m u jirta qunsuliyadda Belarus.

Semyon Skrepetsky wuxuu ahaa magaca beenta ah ee uu isticmaalayey, magaciisa wuxuu ahaa Robert Kuzovkov. Wuxuu caan ku ahaa sawir gacmeedyada uu ku sameeyo siyaasiyiinta, oo ay ku jiraan Putin, hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko iyo hoggaamiyaha Chechen Ramzan Kadyrov.

Marcin Kozak, afhayeenka Xafiiska Xeer Illaaliyaha Degmada ee Lublin, ayaa sheegay in fanaanka uu la soo xidhiidhay nin hubaysan oo aan la garanayn kaas oo laba xabadood ku dhuftay.

“Markii dhibbanuhu dhulka ku dhacay, dambiilaha ayaa soo dhawaaday, saddex xabadood oo kale ayuu riday ka dibna si degdeg ah ayuu uga baxsaday goobta. Robert K ayaa goobta ku dhintay,” ayuu raaciyay.

Shan qolof iyo hal rasaas oo Gumuceedu yahay 9mm Luger ah ayaa laga soo helay goobta dambiga, ayuu yidhi Kozak.

Baadhitaan meydka ah ayaa loo qorsheeyay Arbacada.

Booliska ayaa xidhay laba muwaadin oo u dhashay Belarus, oo da’doodu tahay 33 iyo 37, meel u dhow qunsuliyadda Belarus ee magaalada. Doorkii ay ku lahaayeen dhacdada wali waa la go’aaminayaa, ayuu yidhi Kozak.

Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegay in Skrepetsky uu u guuray Biała Podlaska sanadka 2021. “Dhibbanuhu wuxuu ku lug lahaa hawlo farshaxan dadweyne wuxuuna isticmaalay waxyaabo kale, oo ay ku jiraan magaca been abuurka ah ee Semyon Skrepetsky, kaas oo uu ku muujiyay dhaleeceyn ku aaddan siyaasadaha hadda jira ee mas’uuliyiinta Xidhiidhka Ruushka,” ayuu yidhi Kozak.

Muuqaal dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Skrepetsky oo ka qayb qaadanaya dibadbax Maalinta Ruushka oo ka dhacay bannaanka safaaradda Ruushka ee Berlin 12-kii Juun. Wuxuu sitay sawir gacmeed uu ku sawirayo Putin iyo hoggaamiyihii Soofiyeeti Joseph Stalin, iyo sidoo kale calanka Ruushka oo ku xidhan surwaalkiisa oo jidka ku jiidayay.