Lionel Messi oo Noqday Taariikhda Xidigga Ugu Safashadda Badan Ciyaaraha Koobka Aduunka

0
40

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda Koobka Adduunka. Kabtanka Argentina, Lionel Messi, ayaa hadda hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ugu safashada badan taariikhda tartanka FIFA World Cup.

Weeraryahanka 39 jirka ah ee Inter Miami CF ayaa haatan ciyaaray 28 kulan oo Koobka Adduunka ah.

Messi ayaa rikoodhkan sii dheereystay kadib markii uu beddel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii ugu dambeeyay ee guruubka J ay Argentina la ciyaartay Jordan, isagoo dhaliyay hal gool. Kulanka ayaa ku dhammaaday 3–1 oo ay ku badisay Argentina, taasoo u xaqiijisay inay u gudubto wareegga 32-ka ee tartanka.

Ciyaartoyda ugu safashada badan taariikhda Koobka Adduunka:

Lionel Messi – 28 kulan

Cristiano Ronaldo – 25 kulan

Lothar Matthäus – 25 kulan

Miroslav Klose – 24 kulan

Paolo Maldini – 23 kulan