Hargeysa (Dawan) Shirweynaha Heer Qaran ee Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, iyadoo ay ka qayb-galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha garsoorka, xeer-ilaaliyeyaal, garsoorayaal, sharci-yaqaanno, hay’ado kala duwan iyo marti-sharaf kale. Shirweynahan oo soconaya 28–29 Juun 2026 ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka garsoorka, xoojinta isla xisaabtanka, kor u qaadista hufnaanta adeegyada caddaaladda iyo casriyeynta hay’adaha garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Halku-dhegga shirweynaha sanadkan ayaa ah: “Kor u Qaadista Isla Xisaabtanka iyo Casriyeynta Nidaamka Garsoorka” (Promoting Accountability and Modernizing the Judiciary System), kaas oo muujinaya himilada lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayaynta adeegyada garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Shirweynahan ayaa la filayaa inuu ka soo baxo talooyin iyo go’aanno muhiim ah oo gacan ka geysan doona horumarinta nidaamka garsoorka iyo adkaynta ku dhaqanka sharciga, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha caddaaladda
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali, ayaa shirweynaha ku soo bandhigay waxqabadka iyo guulaha ay muddadii u dambaysay gaadhay Waaxda Garsoorka, isaga oo xusay in la hirgeliyey hawlo muhiim ah oo door weyn ka qaatay xoojinta caddaaladda, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda bulshada. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Garsoorku yahay tiirka ugu muhiimsan ee ay ku taagan tahay dawladnimadu, isla markaana uu laf-dhabar u yahay xaqiijinta caddaaladda, sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in Waaxda Garsoorku ay si joogto ah uga shaqaynayso horumarinta adeegyada garsoorka, kor u qaadista hufnaanta iyo tayeynta nidaamka caddaaladda, si bulshada loogu helo garsoor hufan, caddaalad ku dhisan iyo kalsooni lagu qabo. Isla markaana Garsoorku yahayt rukunka ugu muhiimsan ee Qaranka.
Halku-dhegga shirweynaha sanadkan ayaa ah: “Kor u Qaadista Isla Xisaabtanka iyo Casriyeynta Nidaamka Garsoorka” (Promoting Accountability and Modernizing the Judiciary System), kaas oo muujinaya himilada lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayaynta adeegyada garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirweynahan ayaa la filayaa inuu ka soo baxo talooyin iyo go’aanno muhiim ah oo gacan ka geysan doona horumarinta nidaamka garsoorka iyo adkaynta ku dhaqanka sharciga, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha caddaaladda.




















