Timeless Africa “Dekedda Berbera: Xarun Dhaqaale oo Somaliland ku Xidhaysa Suuqyada Caalamka”

0
46

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay daabacday warbaahinta Timeless Africa, isla markaana uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si isa soo taraysa u soo jiidanayso fursado dhaqaale iyo maalgashi caalami ah. Warbixintu waxay tilmaantay in sannadihii u dambeeyay uu si ballaadhan u kordhay xiisaha ay Somaliland u qabaan quwadaha waaweyn ee dunidu, taas oo loo aanaynayo goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda juqraafiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan marinada istaraatiijiga ah ee xeebaha Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Baab al-Mandab, kuwaas oo ah waddooyin muhiim ah oo isku xidha ganacsiga u dhexeeya Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Warbixinta ayaa lagu xusay in goobtan istiraatiijiga ah ay Somaliland siinayso fursado ay kaga qayb qaadato isku xidhka suuqyada caalamka iyo horumarinta ganacsiga gobolka.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay muhiimadda sii kordhaysa ee Dekedda Berbera iyo xidhiidhka ganacsi ee ay la yeelan karto Itoobiya. Sida lagu sheegay warbixinta, Itoobiya oo ah dal leh suuq weyn, dad badan iyo dhaqaale sii kobcaya ayaa u baahan marinno ganacsi oo kala duwan. Sidaas darteed, horumarinta Dekedda Berbera ay abuuri karto fursado istiraatiiji ah oo la xidhiidha ganacsiga caalamiga ah, gaadiidka, isku xidhka gobolka, adeegyada saadka (logistics) iyo iskaashi dhaqaale oo ballaadhan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay: “Dekedda Berbera waxay yeelan kartaa door muhiim ah oo ku saabsan fududaynta isu socodka badeecadaha iyo xoojinta isku xidhka suuqyada Geeska Afrika. Shirkadaha caalamiga ah ee ku hawlan dekedaha, gaadiidka iyo adeegyada saadka ayaa maanta dekeda Berbera u arka xarun muhiim ah oo qayb ka ah silsiladda dhaqaalaha adduunka.”

Sidoo kale warbixintu waxay intaasi raacisay “Maalgashiga shisheeye wuxuu noqon karaa tiir muhiim ah oo taageera horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyo kobcinta xidhiidhka Somaliland iyo suuqyada caalamka. Sidaa darteed Dekedda Berbera maanta maaha oo keliya deked; waxay noqon kartaa albaab istiraatiiji ah oo Somaliland u horseeda isku xidhnaan dhaqaale, horumar iyo fursado caalami ah.”