Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu “si weyn u dhimi doono” jimicsiyadii ama tababaradii milatari ee wadajirka ah ee uu la samayn jiray Kuuriyada Koonfureed, isaga oo ku sababeeyay “xidhiidhka aad u wanaagsan” ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un. Sidaa waxa uu sheegay bartiisa Truth Social.
Waxa uu sidoo kale ku xusay bogga Truth Social in Kuuriyada Koonfureed ay dhowaan diiday inay ku biirto Maraykanka dagaalkii Iraan.
“Tababaradani may ahayn kuwo kharash nagu keeni jiray oo kaliya, waxaana inta badan bixin jiray Maraykanka, laakiin hada waxay soo dirayaan calaamad gebi ahaanba aan habboonayn oo cadow ah,” ayuu Trump ku qoray bartiisa.
Seoul waxay sheegtay inay dib u eegis ku samayneyso hadallada Trump, iyada oo intaas ku dartay inay rajayneyso in xidhiidh wanaagsan oo dhexmara Washington iyo Pyongyang uu horseedi karo wadahadallo macno leh. Pyongyang weli kama aanay hadlin.
Horay, Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in dhoolatuska ay la samayneyso Maraykanka uu sii socon doono “sida loogu talagalay”.
Warkani waxa uu yimid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay bishan samaysay tijaabooyin gantaallo ballistic ah oo ay Qaramada Midoobay mamnuucday.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada Axaddii ku sheegay inay xilli danbe tahay in la baajiyo”, maadaama Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay bilaabi doonaan dhoolatuskooda milatari ee sanadlaha ah Isniinta.
Trump waxa kale oo yidhi: “In kasta oo aanaan xidhiidh la lahayn, dhawaan waxaan weydiiyay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed inay jeclaan lahaayeen inay nagu soo biiraan hawlgalada joojinta hubka nukliyeerka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxayna yidhaahdeen, ‘Maya mahadsanid!'”
Ku dhawaaqista Trump ayaa timid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii uu soo dhigay sawir duug ah oo isaga iyo Kim ah sanadkii 2019, isaga oo qoray in labadoodu ay ahaayeen saaxiibo aad u wanaagsan “inkasta oo muuqaalka aan saaxiibtinimo lahayn ee sawirkan gaarka ah uu ahaa mid aan wanaagsanayn”.
Bayaan uu soo saaray, Aqalka Cad ee madaxtooyada Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan wadatashiyada diblomaasiyadeed ee ku saabsan iskaashiga milatari ee Maraykanka iyo Kuuriya ee la xidhiidha Gacanka Hormuz, iyaga oo ka wada hadlaya faahfaahinta tababarrada milatari ee wadajirka ah ee lala sameeyo Maraykanka.
Khubaradu waxay soo jeedinayaan in jimicsiga milatari ee wadajirka ah uu qaadi karo kharash badan iyada oo faa’iido yar la siinayo.
“Jimicsiga difaaca ee isku dhafan ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waa lama huraan si ciidamada militariga ay diyaar u ahaadaan oo ay u awoodaan inay qabtaan shaqadooda,” ayuu yidhi Leif-Eric Easley, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Ewha ee Seoul.
Munaasabadda ama dhoolatusyada hada la qabanayo waxay socon doonaan 11 maalmood hadii ay dhacaan, waxaana ay la mid noqon doonaan kuwii sanadihii hore, iyada oo ay ka qayb qaadan doonaan qiyaastii 18,000 oo askari oo Kuuriyada Koonfureed ah.
Toddobaadkii hore, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed wuxuu soo jeediyay wadahadallo ay la yeelanayso deriskeeda waqooyi si ay si rasmi ah u soo afjaraan dagaalka u dhexeeya labada, kaas oo farsamo ahaan weli firfircoon tan iyo markii la saxeexay heshiis hub-ka-dhigis ah 1953-kii.
Si kastaba ha ahaateeTrump wuxuu u muuqdaa inuu door bidayo xidhiidh qabow uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi, maamulka Kuuriyada Waqooyi oo go’doon ahina wuxuu u arkaa arrin wanaagsan. Kuuriyada Waqooyi way ka hadhay dagaalka Iraan iyo Maraykan, laakiin waxay si firfircoon u gashay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyada oo Ruushka ku caawisay Hub iyo ciidan.




















