“Hindiya iyo Berbera: Iskaashi Cusub oo Dib-u-qaabaynaya Ganacsiga Geeska Afrika”

0
16

 

Hargeysa (Dawan) Warbixin uu baahiyey kanaalka Horn Lens ayaa lagu falanqeeyey sida Dekedda Berbera ay si xawli ah oo isa soo taraysa ugu soo baxayso xarun istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga, saadka iyo isku-xidhka Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka. Warbixintu waxay si gaar ah u diirrada u saartay istaraatiijiyadda Hindiya, maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World iyo Jidka Berbera Corridor, iyada oo soo bandhigtay sida arrimahaasi uga qayb qaadan karaan isku-xidhka Somaliland, Itoobiya, Geeska Afrika, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub.

Sida lagu sheegay warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, dawladda Hindiya waxay sannadihii u dambeeyay xoogga saartay ballaadhinta xidhiidhada dhaqaale, ganacsi iyo istaraatiiji ee dalalka ku teedsan Gacanka Cadmeed, Badweynta Hindiya iyo Geeska Afrika. Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay qayb ka tahay siyaasadda SAGAR ee dawladda Hindiya “Security and Growth for All in the Region”, taas oo ah istaraatiijiyadda isku xidhaysa amniga, xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee gobolka Geeska Afrika iyo Hindiya. Warbixintu waxay sidoo kale xustay aragtida ballaadhan ee MAHASAGAR, oo muujinaysa rabitaanka Hindiya ee ah inay sii xoojiso doorkeeda iskaashiga gobolka, ganacsiga iyo isku-xidhka marinnada Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay “Dekedda Berbera waxay ku taallaa meel juqraafi ahaan muhiim ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed, taas oo siinaysa fursad ay kaga qayb qaadato ganacsiga iyo saadka gobolka. Horumarinta Dekedda Berbera iyo Jidka Berbera Corridor, oo isku xidha dekedda iyo Itoobiya, ayaa sii kordhinaya muhiimadda Berbera ee isku-xidhka ganacsiga gobolka.

Itoobiya oo aan lahayn xeeb waxay u baahan tahay marinno ganacsi oo kala duwan oo isku xidha suuqyadeeda iyo dekedaha gobolka. Sidaas darteed, Somaliland waxay qayb ka noqon karta shabakad ganacsi oo isku xidha Somaliland, Itoobiya, Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.”

Mid ka mid ah su’aalaha muhiimka ah ee warbixintu soo bandhigayso ayaa ah in Hindiya ay mustaqbalka Dekedda Berbera uga faa’iidaysan karto qayb ka mid ah silsiladaheeda sahayda iyo ganacsiga, iyadoo aan taasi si toos ah ugu xidhnayn aqoonsi siyaasadeed. Waxaana lagu xusay warbixinta “Haddii xidhiidhada dhaqaale iyo saadka ay sii kobcaan, Hindiya waxay heli kartaa marin dheeraad ah oo ay kaga qaybqaadato ganacsiga Geeska Afrika iyo Badda Cas. Sidoo kale, marka laga hadlo dhanka Somaliland, xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ay la yeelato Hindiya wuxuu u noqon karaa fursad lagu ballaadhiyo maalgashiga, ganacsiga, adeegyada dekedaha iyo xidhiidhada caalamiga ah