Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in dhismaha waddada Oodweyne ay ka mid tahay mashaariicda ay xukuumaddu mudnaanta koobaad siinayso. Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay hirgelinta waddada Oodweyne, isaga oo sheegay in dhismaha waddadan oo isku xidhaysa Burco-Oodweyne-Hargeysa ay tahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah bulshada Gobolka Daadmadheedh iyo guud ahaan Somaliland.
Wasiir Khadar ayaa xusay in xukuumaddu ay ka go’an tahay in ay fuliso mashaariicda horumarineed ee ay bulshada u ballanqaadday, gaar ahaan kuwa wax ka beddeli kara isku socodka bulshada, ganacsiga iyo adeegyada aasaasiga ah. Waxa uu tilmaamay in waddada Oodweyne ay leedahay muhiimad gaar ah, maadaama ay fududaynayso isku xidhka deegaannada iyo gobollada, isla markaana ay door ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka deegaanka.
Wasiirka oo muujinaya sida ay xukuumaddu uga go’an tahay mashruucan, Wasiirku waxa uu yidhi: “Haddii aynaan dhisin waddada Oodweyne, macno samayn mayno, taariikhdana geli mayno.” Hadalkan ayaa muujinaya in dhismaha waddada Oodweyne loo arko masuuliyad qaran iyo ballan-qaad ay tahay in la xaqiijiyo, halkii uu ahaan lahaa qorshe ku eg hadal iyo ballanqaad.
Wasiir Khadar oo si hufan uga hadelayay qiimaha waddadani u leedahay dalka iyo sida ay hirgelinteeda uga go’antahay xukuumadda Somaliland waxa uu ydihi “Maagaaladanina dhismi mayso oo magaalo weyn oo macno leh noqon mayso ilaa ay dhisanto waddaa Burco, Oodweyne Illaa Hargeysa.
Waddadan in badan ayaa la ballan qaaday, dawladdo badan ayaa ballan qaaday, siyaasiyiin badan ayaa ballan qaaday, in badanna waa la dhagax-dhigay. Waxaan isleeyahay qof kasta oo ballan qaadyay niyaddiisu way wanaagsanayd oo wuxuu islahaa waddaa dhis.”
Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweynuhu markii ugu dambaysay ee uu halkan yimid wuxuu yidhi anigu ilaa aan lacag u soo helo waddadaas dhagax-dhigi maayo. Waddadaas waynu isugu tagaynaa, muhiimadda koobaadna way noo leedahay, wadadda ugu horraysa ee hadda soo socota ee aynu doonayo inaynu culayska saarno way tahay. Waddadaasina way inoo dhismaysaa anaguna macno samayn mayno haddaanaan waddadaas ka tagin, taariikhna geli mayno, qiimana yeelan mayno.”
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayoso mashaariicda horumarineed ee dalka laga hirgeliyo, iyadoo mudnaanta la siinayo baahiyaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.




















