Wasiirka Biyaha Somaliland oo Oodweyne ka Dhagax Dhigay Laba Ceelbiyood oo Cusub

0
9

Qore Sacad Xarbi

Oodweyne (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somailand Maxamed Cabdi Maalik oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Daad-madheedh, maamulka Wakaaladda Biyaha Burco iyo masuuliyiin kale, ayaa deegaanka Kabadheere ka dhagax-dhigay laba ceel-biyood oo cusub oo loogu talagalay magaalada Oodweyne.

Ceelashan ayaa qayb ka ah qorshe lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee magaalada Oodweyne, waxaana biyaha laga soo saari doono deegaanka Kabadheere, kaddib markii daraasad cilmiyeed iyo qorshe farsamo oo dhammaystiran lagu sameeyay sidii magaalada Oodweyne looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka biyaha ee deegaankaas.

Mashruucan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xoojiyo helitaanka biyaha la cabbo, laguna daboolo baahiyaha biyood ee bulshada magaalada Oodweyne iyo nawaaxigeeda. Dhismaha ceelashan cusub wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, laguna xaqiijinayo in bulshada Somaliland ay hesho biyo nadiif ah oo ku filan.