Horn Lens: “Muhiimada Juqraafiyada Somaliland oo Kodhisay Fursadaha Washington ee Xiisaha Gobolka”

0
9

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington (Dawan) Warbaahinta Horn Lens ayaa falanqayn cusub ka bixisay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo gaar ahaan dekedda Berbera, iyadoo sheegtay in Somaliland ay si isa soo taraysa uga dhex muuqanayso doodaha siyaasadda iyo istiraatiijiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Falanqaynta ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee Washington aanay ahayn oo keliya arrin la xidhiidha booqasho madaxweyne, balse ay qayb ka tahay dood ka ballaadhan oo ku saabsan amniga badda, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo istiraatiijiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Horn Lens ayaa si gaar ah u tilmaantay muhiimadda juqraafiyeed ee Berbera, oo ku taalla marin muhiim ah oo isku xidha Somaliland, Gacanka Cadmeed, Bab Al-Mandab, Badda Cas iyo marinka Suweys, taas oo gobolka ka dhigaysa meel muhiim u ah isku-xidhka ganacsiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Horn Lens waxa kale oo ay kala saartay iskaashiga istiraatiijiga ah iyo aqoonsiga rasmiga ah, iyadoo xustay in Maraykanku isaga oo aan aqoonsan Somaliland uu haddana ka caawin karo arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, iskaashi amniga, dhaqaalaha, maalgelinta kaabsayaasha dhaqaalaha, Maalgashiga khayraadka ballaadhan ee Somaliland iyo arrimo kale oo badan.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in doodda ku saabsan aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland ay sannadihii u dambeeyey yeelatay dhinacyo cusub, gaar ahaan kaddib markii Israa’iil ay Somaliland aqoonsatay December 2025, taas oo sida Horn Lens sheegtay beddeshay jawiga diblomaasiyadeed ee ku xeeran Somaliland.