Firstpost: “Dawlada Somaliland oo Washington iyo Gaza Ku Xidhay Xisaab Siyaasaddeed Cusub”

0
11

“Somaliland oo Awooddeeda Ciidan iyo Istaraatiijiyadeedda u Beddeleysa Saamayn Weyn oo Caalami ah”

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Firstpost ayaa iftiimisay tallaabo istiraatiiji ah oo ay Somaliland ku doonayso inay kaga qayb qaadato qorshaha caalamiga ah ee lagu sugayo xasilloonida Gaza, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu muujiyey in Somaliland diyaar u tahay inay ciidamo u fidiso hawlgal caalami ah oo Gaza laga hirgeliyo.

Firstpost ayaa sheegtay in Somaliland ay soo bandhigtay inay ilaa 2,000 askari ka qaybgeliso ciidanka caalamiga ah ee loo qorsheynayo Gaza, arrintaas oo warbaahintu ku tilmaantay tallaabo qayb ka noqon karta dadaallada Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso doorkeeda caalamiga ah ee dhinacayada istaraatiijiyadda, siyaasadda iyo diblomaasiyadda. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay leedahay ciidan xoogan oo lagu qiyaasay ku dhowaad 25,000 askari, iyo ciidamo suga ammaanka xeebteeda dheer oo ku fidsan Gacanka Cadmeed, iyadoo sidoo kale muhiimad gaar ah la siiyey dekedda Berbera iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Sida ay sheegtay warbixinta Firstpost oo wargeyska Dawan soo xigtay, tallaabadan ayaa Somaliland siin karta fursad ay ku muujiso awooddeeda ciidan, khibraddeeda amni iyo diyaar-garowgeeda ku aaddan inay door ka qaadato hawlgallada caalamiga ah ee nabad-ilaalinta iyo xasillinta. Firstpost ayaa sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay sannadihii u dambeeyey si firfircoon ugu ololeyneysay in beesha caalamku si dhab ah u qiimeyso kaalinteeda istiraatiijiga ah, gaar ahaan marka la eego goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed, dekedda Berbera iyo marin-badeedka u dhow Bab Al-Mandab.

Sida warbixintu muujisay, arrinta Gaza waxay Somaliland u noqon kartaa fursad cusub oo ay ku xoojiso xidhiidhkeeda caalamiga ah, iyadoo muujinaysa in Hargeysa aanay doonayn oo keliya in laga hadlo aqoonsigeeda, balse ay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato arrimaha amniga iyo xasilloonida caalamka. Waxa kale oo lagu xusay warbixintan caalamiga ah in dhanka kale qorshahan Somaliland ku soo beegmayo xilli xukuumadda Somaliland ay si weyn u kordhisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed iyo raadinta iskaashi caalami ah, gaar ahaan Maraykanka, Israa’iil iyo dalalka kale ee daneeya amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixinta in dalabka Somaliland ee ku aaddan ka qaybgalka hawlgalka Gaza loo arki karo mid ka mid ah tallaabooyinka cusub ee Hargeysa ku doonayso inay awooddeeda gudaha, juqraafiyeed iyo ciidanba ugu beddesho door iyo saamayn caalami ah, iyadoo weliba sii wadda dadaalkeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.