Qore: Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Muuse Askar Guuleed, ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay sharci qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan dowladda, hay’adaha warbaahinta iyo bulshada Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay qaranka u leedahay in la helo xeer si cad u nidaamiya mihnadda saxaafadda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Muuse Askar Guuleed, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa shalay kulan la yeeshay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay halka uu marayo Xeerka Saxaafadda iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa hannaanka sharci ee xeerkan. Kulanka ayaa yimid kaddib markii fadhigii Golaha Wakiillada ee Salaasadii shalay loo qorsheeyay in xeerka lagu horgeeyo Xildhibaanada uu u furmi waayay kooram la’aan.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Muuse Askar Guuleed, oo ka hadlayay baaqashada fadhiga ayaa sheegay in Masuuliyiinta Wasaaraddu ay xarunta Golaha u tageen sidii ay uga qaybqaadan lahayd fadhiga, balse aanay suurtagelin in Goluhu furmo. “Waanu nimid xarunta Golaha, waanu fileynay in Goluhu furmo, balse sababo Golaha dhexdiisa ka jira ayuu u furmi waayay. Haddii maanta uu furmi waayay, berri ayuu furmi karaa, Shir-guddoonkuna waxay noo sheegeen inay arrinta dhawaan qaban doonaan,” ayuu yidhi.
Muuse Askar ayaa sidoo kale caddeeyay in Wasaaradda Warfaafintu aanay faragelin ku samaynayn shaqada Golaha Wakiillada iyo guddida gacanta ku haysa Xeerka Saxaafadda. Waxa uu bogaadiyay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada, iyo xubnaha guddida, isaga oo sheegay inay shaqo muhiim ah ka soo qabteen diyaarinta xeerka. Waxaanu yidhi “Xildhibaan Aamina aad baan u ixtiraamayaa, waana guddoomiyaha guddida xeerkan gacanta ku haysa. Si fiicanna way uga shaqaysay, iyada iyo kooxdeedana waan uga mahadcelinayaa. Arrinta Golaha ma faragelinayo, waa shaqo u taalla Golaha.”
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada Wasaaraddu aanay ahayn in Wasaaradda ama warbaahinta loo sameeyo sharci gaar ah, balse la doonayo xeer qaran oo ay dhinacyada kala duwan wada leeyihiin, kaas oo lagu hago laguna nidaamiyo shaqada saxaafadda. “Wax qaranku leeyahay oo aynu wada leenahay, oo labada dhinacba kuwada shaqeeyaan, ayaanu rabnaa in la sameeyo. Saxaafaddu waa wax aynu u baahanahay, balse waxaynu u baahanahay in iyada lafteedu yeelato sharci lagu hago oo lagu hoggaamiyo,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland, Siciid Faarax Mire Giirre, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu ka qaybqaataan fadhiga Golaha, isla markaana laga dhegaysto warbixinta Guddida Arrimaha Bulshada ee ku saabsan Xeerka Saxaafadda. Waxa uu cudurdaar ka bixiyay baaqashada fadhiga, isaga oo sheegay in Shir-guddoonka iyo guddiyada Golaha ay go’aamiyeen in xeerka la soo hormariyo, si loo dhammeystiro ka hor inta aan doodda Xildhibaanadu bilaaban.
Siciid Faarax ayaa sheegay in dhammeystirka xeerku uu fududayn doono doodda Xildhibaanada, isaga oo tilmaamay in Xeerka Saxaafaddu yahay xeerka ugu horreeya ee Golaha horyaalla ee dooddiisu bilaaban doonto marka fadhiga Golaha dib loo qabto. Waxaanu yidhi “Guddida Hawlaha iyo Shir-guddoonku waxay go’aamiyeen in xeerka xagga hore la soo marinayo, sababtuna waxay tahay baahida loo qabo iyo in la dhammeystiro, si Xildhibaanada doodu ugu sahlanaato. Waa xeerka u horreeya ee Golaha horyaalla, doodiisuna way bilaaban doontaa haddii Alle yidhaahdo,”




















