Duulaanka Ciraaq ee Magaalada Mowsil

0
789

Ciidammada dowlada Ciraaq ayaa markale dib u bilaabay duulaanka ka dhanka ah magaalada qadiimiga ee Mowsil oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay maamusho kooxda isugu yeedha khilaafada Islaamka ee ISIS.

Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay in ay magaalada kaga soo wajahanyihiin dhanka galbeed, waxaana sidookale duullankani qeyb ka ah ciidammada booliska federaalka oo iyaguna dhanka koonfureed kaga soo wajahan magaalada.

Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in dad rayid ah oo gaadhaya toban kun oo qof ay weli ku xanibanyihiin magaalada Mousil, waxaana dadkaasi loogu baaqay inay ka baxaan magaalada.

Waxaa kale oo ay Qaramada midoobay sheegtay in dad gaadhaya laba boqol iyo sodon qof lagu dilay galbeedka magaalada Mousil labadii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ku dhintay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidammada Ciraaq, halka qaar kalena ay toogasho ku dileen kooxda ISIS xili ay isku dayayeen inay ka qaxaan magaalada Mousil.

Sarkaal katirsan ciidammada Ciraaq ayaa BBC-du u sheegey in aysan garaneyn tirada dagaalamayaasha ee ku hadhsan magaalada.

Kooxda ISIS ayaa la wareegtay gacan ku heynta magaalada Mousil sannadkii 2014-ka, xiligaas oo guud ahaan dalka Ciraaq ay kaga dhawaqeen dowlada Islaami ah.

Hasa yeshee ciidammada Ciraaq oo taageero ka helaya xulafo kala duwan ayaa bishii Oktober ee sannadkii hore billaabay duulaan ay dib ugu qabsanayaan Moosil, waxaase howgalkaasi ragaadiyay dagaalka adag ee ay kala kulmeen kooxda Daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here