Xisbiga Madaxweynaha Faransiiska oo Qarka u Saaran Guusha Aqlabiyadda Baarlamaanka

0
337

Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron ayaa xisbigiisu waxa uu hayaa dhabbihii uu ugu guuelysan  lahaa aqlabiyadda baarlamaanka, sidaasna waxa muujinaya wararka ka soo baxaya goobaha doorashada.

 

Shacabka dalka Fransiiska ayaa u dareeray wareega labaad ee doorashada barlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu soo idlaaday wareegii kowaad isbuuci hore.

Xisbiga cusub ee madaxweyne Emmanuel Macron ayaa rajaynaya in musharraxiinta xisbigiisa La Republique en Marche ay ku guulaysan doonaan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka oo ka kooban 577 kursi. Kala badh murashixiinta xisbiga madaxweyne Macron ayaa ah kuwa ku cusub saaxada  siyaasada, waxaana haatan la sheegaya in tirada dadka u soo baxay in ay codkooda dhiibtaan ay aad u yartahay.

Guul uu gaadho xisbiga Macron ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta labada xisbi ee dalkaasi ugu faca weyn, kuwaas oo gaadhi waayay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore.

Haseyeeshee xildhibaanno tiradoodu kooban tahay ayaa la filayaa in lagu doorto wareeggan koowaad.

Musharraxiinta ku guulaysta in ka badan 50% codadka deegaankooda laga dhiibtay ayaa wareeggan ku noqonaya xildhibaanno, halka kuwa deegaannada kale ee hela in ka badan 12.5% ay u gudbi doonaan wareegga labaad.

Xisbiga madaxweyne Macron oo la sameeyay sanad un ka hor, ayaa doorashadan u soo xushay musharraxiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Ammaanka dalka oo dhan ayaa la adkeeyay ka dib weerarradii argagixisada ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah ayaa sugaya ammaanka dalkaasi doorashada awgeed.

Leave a Reply