Dhakhaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilig ka bixiyay ilmo yar oo bil keliya jirey.
Sida ay ku soo waramayso wariye Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhaqtarka geeyay kadib markii ay hooyadiis dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaama uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniinayo naaska.
Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha looga bixiyay kadib ay xaaladiisu fiicantahay ilmahan yar.
Waa arrin kheyru caadi ah in ilmo bil jira ay ilko u soo baxaan.
Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaadho xiligii ay ilkaha usoo bixi lahaayeen.



















