Muslimiinta ka Qaxaya Myanmar oo aad u Kordhey

0
368

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaadheen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in korodhka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kale ka qaxaya.

Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qaxiyay ayaa waxa ay bilowdeen kadib markii kooxo wax iska caabbin ah oo ka tirsan qoowmiyadan Rohingya ay weerareen saldhigyo booliis.

Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka.

Dowladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xidhiidha in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.

Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh , iyaga oo ka gudbayay xudduuda labada dal.

Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaadhayana waxa ay degayaan meelo cusub.

Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkood ayaa doomo ku baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaadhay Bangaladesh maalintii arbacada.

Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.

 

Dadka baaqa u diray waxaa ka mid ah Desmond Tutu oo ka wada tirsanyihiin bahda dadka qaatay abaalmarinta nabadda adduunka.

Waxaa xitaa jiray baaqyo loo jeedinayo guddiga bixiya Nobel-ka oo ah in ay kala noqdaan Suu Kyi, balse guddoomiyaha guddiga abaalmarinta bixiya Berit Reiss-Andersen ayaa sheegay in aysan taas suurtogal ahayn.

 

llme  Bil Jirey oo 7 ilig oo  u soo Baxeen!

Dhakhaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilig ka bixiyay ilmo yar oo bil keliya jirey.

Sida ay ku soo waramayso wariye Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhaqtarka geeyay kadib markii ay hooyadiis dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaama uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniinayo naaska.

Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha looga bixiyay kadib ay xaaladiisu fiicantahay ilmahan yar.

Waa arrin kheyru caadi ah in ilmo bil jira ay ilko u soo baxaan.

Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaadho xiligii ay ilkaha usoo bixi lahaayeen.

 

 

Leave a Reply