Muddo kooban ayaa ciyaartoyga kubadda kolayga Lorenzo Brown lagu siiyey baasaboorka waddanka Spain, sidoo kalena waxa dhalashada loo dhiibay Jordan Diaz oo ciyaaraha fudud dheela iyadoo aanay waqti badan ku qaadanin labadan ciyaartoyba inay helaan sharciga muwaadinada ee dalkaas.
Laakiin saddex ciyaartoy oo Real Madrid ah ayay wasaaradda caddaaladda ee Spain niyad-jab ku ridday, waxaana loo diiday baasaboorka dalkaas oo ay sharci ahaan buuxiyeen shuruudihiisa.
Vinicius Junior ayaa la filayey in uu dhalashada Spain qaato xagaagan, kaddib markii uu dalkaas tegay sannadkii 2018 isla markaana ka gudbay laba imtixaan oo ay ahayd inuu maro, kuwaas oo midkood ku saabsanaa luuqadda Spanish-ka iyo midka kale oo ahaa dhaqanka guud ee dalkaas.
Xaaladda Vinicius Junior ayaa ahayd mid gebi ahaanba ka duwan midda Brown ee markiiba la siiyey sharciga, sababtoo ah Brown wax xidid ah kuma laha dalka Spain, balse waqti yar oo kooban ayaa lagu siiyey sharciga sida uu sheegay Boletin Oficial del Estado.
Sida Vinicius oo kale, waxa iyagana sharciga Spain ee muwaadinadama iyagana loo sheegay inay muddo sugaan labada laacib ee reer Brazil ee Rodrygo Goes iyo Eder Militao oo iyaguna dhowaan ka gudbay imtixaannadii laga doonayay inay maaraan, balse waxa loo sheegay in ay muddo ka badan intii ay ku heli lahaayeen sharciga dhalashada ee dalkaas ay sugi doonaan.
Sharciga Spain ayaa waxa uu dhigayaa, in dadka ka yimaadda Brazil iyo Argentina in laba sannadood oo kaliya ay ku qaataan sharciga dalka kaddib marka ay helaan deggenaanshaha. Vinicius laba sannadood ka hor ayuu xaq u yeeshay, balse wasaaradda caddaaladda ayaan illaa hadda jawaab siinin isaga iyo labada laacib ee kale ee Rodrygo iyo Militao.
Real Madrid ayay arrintani caqabad ku tahay, sababtoo ah waxa ka buuxa liiska ciyaartoyda aan haysanin baasaboorka Midowga Yurub ee loo ogol yahay in ay kooxda koowaad u ciyaari karaan, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Kubo iyo Vinicius Tobias aanay wax fursad ah ka helaynin kooxda koowaad illaa inta la xallinayo arrinta sharciga Spain ee Vinicius Junior, Rodrygo iyo Militao.




















