- Aqoontu qiime ma leh, haddii aanay bedelin dhaqankaaga
- Haku mashquulin dunidan burburaysa, adigoo iloobaya Aakhirada waarays
- Cadawga ugu weyn ee naftu waa Jacaylka maalka iyo mansabka.
- Qofka aan naftiisa xukumi Karin, cid kale ma xukumi karo.
- Cilmigu waa geed, camalkuna waa midhiisa.
- Qofka akhlaaqdiisu liidato, maalka iyo quruxda ma anfcaan
- Naftaada ku mashquuli xaqa, haddii kale baadilka ku mashquuli
- Qalbigu wuxu u baahan raashin ka badan , ka uu jidhku u baahan yahay
Dugsigu wuxu ku baraa casharo , ka dibna wuu ku itixaama, laakiin Noloshu way ku imtixaantaa markaasi ayay wax ku bartaa. Marka Dariiqa uu marayo Caajisku waxa raaca Fakhriga ama saboolka






















