Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Ergayga Norway u Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
436

“Waxaanu ka wada hadlaynay sidii dawladda Norway oo aanu cilaqaad weyn la leenahay sidii aanu u kobcin lahayn Iskaashigayaga ” Wasiirka Khaarajiga
 
“Waxa aanu halkan u nimi in aanu Somaliland la falanqayno sidii aanu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika”
Mr. Jens Mjaugeal
 
Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawadda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal oo socdaal ku yimid dalka. Kulankaasi ka dib waxa warbaahinta uga waramay qoddobadii ay Ergayga dawladda Norway iyo madaxweynuhu ku falan-qeeyeen kulankaasi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland. Wasiir Maxamed Biixi  ayaa sheegay  in dawladda Norway ka caawin doonto wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, khayraadka dabiiciga ah sida kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka. “Waxa maanta (shalay) farxad weyn noo ah in aannu ku soo dhawayno qasriga madaxtooyada ergaygii  qaabilsana Somaliland iyo Soomaaliya  u qaabilsan Norway, horrena wuu u yimi dalka oo sannadkii 2007-dii  ayaa ugu dambaysay. Ergayga iyo annagu waxaannu ka wada hadlaynay sidii dawladda Norway oo aanu cilaqaad weyn la leenahay sidii aanu cilaqaadkayaga iyo horumarkaa u kobcin lahayn, sidaannu u wada shaqayn lahayn.”
 
“Norway waxay khibrad xoog leh u leedahay arrimaha shidaalka amma khayraadka dabiiciga ah sidii ay wax innooga tari lahayn, inoogana dhisi lahayd hadday tahay aqoon iyo awood kobcinba,  hadday tahay arrimaha kalluunka amma khayraadka kale,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
 
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu tilmaamay in Norway ay kaalin ka qaadanayso sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaannu ka wada hadalnay siday wax noogala qaban lahaayeen arrimaha innaga dhaxeeya Muqdisho ee ay ka mid yihiin wada hadalada siday hore ugu socon lahaayeen, arrimaha nabadda, xagga budhcad-badeeda oo aad iyo aad ay u tixgeliyaan in aynu shaqo fiican ka qabano iyo xagga argagixisada oo shaqo wanaagsan aynu ka qabanay ayey noogu tahniyadeeyeen.”
 
“Waxa aannu doonaynaa in cilaaqaad buuxda aanu la yeelano, dawladda Norway, waa dawlad aad khibrad ugu leh xagga wahadalada, xagga shidaalka iyo macdanta, waddamo badana wax u qabtay, marka waxay doonayaan in ay wax nala qabtaan oo aanu soo dhawayno,”ayuu intaas raaciyay Wasiirku.
 
Sidoo kale Ergayga gaarka ah ee dawadda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in ay Somaliland  ka caawinayaan xagga farsamada ee wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo dawladda Turkigu martigeliso, waxaanu yidhi “Waxa aannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu diinka caawin karno xagga farsamada wadahadalka Somaliland iyo Soomaliya ka dhaxeeya, haddii aan anigu ergay ahaan  iska hadlo Norway waxay qabtaa in   mustaqbalka wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya  waxay noqonayso idinkay idinku xidhan tahay in wadahadaladaasi hore u socdaan. Waxa kale oo ay idinka caawinayaan dhisada xagga awoodda khayraadka dabiiciga ah iyo maaraynta khayraadkaas.”
Waxa kale oo uu ergaygu Sheegay in Somaliland ay ka taageeri doonaan xagga ka faa’iidaysiga khayraadka dibiiciga ah, waxaannu yidhi;“Waa inaan ka taxadiraa waxaan odhanaya, sababtoo ah waxa jira dad badan oo Somaliland ah oo ku dhaqan Norway, waana in aan ogaadaa in aan halkaa ku waayayo qoys, kuwaasoo markaan noqdo I waydiinaaya su’aalo badan.Waxa aanu halkan u nimi in aanu Somaliland la falanqayno sidii aanu uga caawin lahayn horumarka, una noqon lahayd Somaliland waddamada ugu barwaaqaysan Afrika.
 
Kulankaasi waxa  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warran-cadde.
 
By: Cumar M. Faarax

Leave a Reply