Guddoomiye Cusub Oo Loo mgacaabay Gobolka Boohuudle iyo Gudoomiye ku Xigeenkii Hore Oo Xilkii Laga Qaaday

0
403

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa shalay  xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii   gobolka Buuhoodle, halka  uu madaxweynuhu gudoomiye cusub u  magacaabay gobolkaasi.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda ee Somaliland.
 
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014,
Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye Cusub u  magacaabay Gobolka, halka Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiya madaxweynuhuna uu dib ka soo magacaabi doono.
 
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Garwaaqsaday:   In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;
 
Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;
 
Markuu ku qancay:                        In uu hanan karo xilkan;
 
 
Wuxuu go’aamiyay
 
In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaadoGudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
 
 
Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis
 
 
Ku:      Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse
            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle    
           
 
Mudane,
 
Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.
 
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
                    Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply