WADDANI Oo Guryo U Kireeyay Kooxo u Qaabilsan Barobagaandada iyo Dacaayadaha Xukuumadda

0
681

Hargaysa (Dawan):  Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa Sabtidii toddobaadkan waxay daabaceen war sheegayay in madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay tartanka doorashadda madaxtinimadda ee sannadka ka soo socda la filayo inay dalka ka dhacdo.
Warka arrintaasi ay ka qoreen wargeysyadani oo ahaa mid aan xaqiiqo ahayn,  ay beeniyeen xukuumaddii iyo xisbul-xaaka KULMIYE-ba. Hase yeeshee sida ay noo xaqiijiyeen ilo war-galeen ahi ka dib markii aanu u dhabo galnay  cida nashqadaysay malo-awaalkan gacan ku rimiska ah ee waaqica iyo runta aan caarada ku lahayn. Waxa baadhis weriyeyaal DAWAN ka tirsani sameeyeen uga soo baxday in warkan been abuurka ah ay soo alifeen kooxo xisbiga  Mucaaridka ah ee WADDANI ugu qeybsan borobagaandada.
Kooxdan dacaayaddaha xukuumadda xirfadda ka dhigtay ayaa la sheegay inay yihiin dhalinyarro isku hal ardaa ka soo jeeda oo marfash looga furay Gurri ku yaalla agagaarka Macmacaanlaha Nasiiba eek u yaalla agagaarka huteelka Gargaar ee magalaadda Hargeysa, dhalinyaradan  si weyn u cabsan siyaasadda xisbiga WADDANI, Kuwaasi oo si maalinle ah iskugu hawlaha inay hal abuuraan dacaayado raqiis ah oo ay shacbiga ku marin habaabinayaan oo ay wax kaga sheegayaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Waxa la soo weriyay in sheekadan Xisbiga WADDANI ku wis-wis gelinayay sharaa’iga ganacsiga ee caalamiga ah ee Madaxweynaha Somaliland uu kula kulmayo 14-ka Bishan magaaladda London  ee dalka Ingiriiska, shirkaasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan  Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain, Hay’adda samo-falka Ingiriiska iyo shirkado  ka kala iman doona wadamo badan oo adduunka ku yaalla, kuwaasi oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay u bandhigi doonaan khayraadka dihin JSL iyo fursadaha aan xadka lahayn ee ganacsiga dalkeenna ka jira.
Waxa dacaayadahan dhaliyay xisbiga WADDANI oo la sheegay inuu ka xun yahay  in heshiisyo maal-gashi madaxweynuhu la saxeexdo shirkado caalami ah, taasi oo ay u arkaan inuu sumcad dadweynaha lagu kasbado u soo jiidi doonto  xukuumadda tallada dalka haysa. Waxa kale oo la sheegay in qasdiga labaad ee borobagaandadan loo sameeyay ay ahayd in la kala shaki geliyo dadweynaha iyo xukuumadooda.
Xisbiga Waddani ayaa u muuqda mid ka soo horjeeda inay dalka ka hirgalaan wax horumar ah iyada oo marar badan masuuliyiin xisbigaasi ka tirsani ay ku hadleen waxyaabo  qaran-nimadda Somaliland ka soo horjeeda, isla markaana u adeegaya oo fursado   siinaya cadowga Somaliland, waxaanay gaadheen illaa xad inay  gaadhaan oo afhayeenkoodu uu ku baaqo inaan ciidammadda qaranku aanay ka amar qaadan xukuumadda, waxa kale oo ay cambaareeyeen ciidammadda cusub ee booliska ah ee loo samaynayo sugida ammaanka shirkadaha shiidaalka ka baadhaya dalka.
 
Si kastaba arrintu ha noqotee waxa xisbiga WADDANI ummaddu uga fadhidaa inuu isu dhigo xisbi qaran oo ay ku wada jiraan beelaha Somaliland oo dhami isla markaana shacbiga u soo bandhiga  mashruuca
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply