Hargaysa (Dawan): Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa xisbiyadda mucaarid ah ku tilmaamay kuwo aan lahayn barnaamijyo siyaasadeed oo ay umadda ka iibiyaan oo lagu dooran karro.
Siyaasiyiintan ka tirsan xisbiga taladda haya ee Kulmiye oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaameen dhaliilaha iyo hadaladda ay madaxda labada xisbi mucaarid warbaahinta ka sheegaan, waxaanay u soo jeediyeen xisbiyadda mucaaridka ah in ay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo ay bulshadda cod kaga kasban karaan.
Cabdi Maxamuud Saleebaan, oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Kulmiye ee shalay shirka jaraa’id qabtay ayaa labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani ku tilmaamay xisbiyo aan lahayn wax barnaanij ah oo shacbiga laga iibiyo ama food lagu waydiisto sidii xisbiga Kulmiye markii uu mucaaridk ahaa, u lahaa barnaamij siyaasadeed oo qoran.
waxaanu yidhi “Labadda xisbi mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani malaha wax barnaamij ah oo bulshada reer Somaliland laga iiboyo ama cod lagaga doono, waxaana barnaamijyada xisbiyada qaarkood la qoray 2002-dii, waxaad se moodaa inay labada xisbi mucaarid barnaamij ka dhigteen cayda iyo af-lagaadadda qarankan iyo madaxdiisa iyo qabyaaladda umada Somaliland lagu kala fogaynayo. maalin walba waxaad warbaahinta ku arkaysaa labadda xisbi mucaarid madaxdooda u sareysa oo ka dhex hadlaya dumar iyo caruur Hudheel la keenay, oo leh anaga oo reer hebel ah ayaanu ku biirnay iyada oo aan la gaadhin xili doorasho oo olole socdo, taasi oo keeni karta kicin iyo kala fogayn bulshada dhexdeeda ah.”
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Somaliland maanta way kortay oo uma baahna qabyaalad. Waxa kale oo labadaa xisbi mucaarid ay madaxdoodu si qaran dumisnimaa ah u taageereen TV-ga Uiersal oo Somaliland qaranimadeeda waxyaabo ka soo hor jeeda sii daayay oo xukuumada dalka ka saartay. Waxa kale oo aad og tihiin hadalada qaran dumisnimada ah ee afhayeenka xisbiga Waddani uu 4/9/2014 ku dhawaaqay ee ahayd in aan ciidamada qaranka Somaliland xukuumada talada haysa ka amar qaadan waxaan taa u arkaa in ay danbi qaran tahay.”
Dhinaca kale Cabdi Maxamuud Saleebaan, ayaa hay’adaha amaanka ee qaranka u soo jeediyay in talaabo sharci laga qaado, afhayeenka xisbiga Waddani. “Waxaan qabaa in hay’adaha amaanka ama garsoorku u yeedhaan afhayeenka Waddani oo su’aalo waydiiyaan haddii aan lala xisaabtamin cidii sharciga iyo qaranimada Somaliland meel kaga dhacda waxaa dhici kara in taasi dhibaato inagu keento, waxaana aanu u arkaa danbi aad iyo aad u balaadhan in afhayeen xisbi qaran oo umada bari cod ka rabaa in uu warbaahitna la soo fadhiisto ciidamadu ay ka amar qaadan xukuumad hada jirta waxay labadaa xisbi mucaarid madaxdoodu maalin walba warbaahinta ka sheegayaan hadalo shacbiga Somaliand welwer lagu gelinayo oo ah dalka xaalad adag ayuu ku jiraa, mar qudha ma sheegaan wax fiican. Waxaan labadaa xisbi u soo jeedinayaan inay la yimaadaan barnaamijyo umada cod lagaga heli karo shacbiga Somaliland dibad iyo gudo waxaan u soo jeedinayaa in labadaa xisbi ay kula xisaabtamaan hadaladaa ku lidka ah qaranimada Somaliland ee mar walba ay warbaahinta ka wadaan dalkuna maanta maalin uu ka fiican yahay ma jirto” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Saleebaan oo mid ah xisbiga Kulmiye.
Ibraahin Ducaale Saleebaan, oo isna ka mid ahaa siyaasiyiintan ka tirsan xisbiga Kulmiye ee shirka jaraa’id qabtay ayaa labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID madaxdooda u soo jeediayay in ay iska daayaan shakhsi weerarka iyo af-lagaadada ay maalin walba warbaahinta la soo taaganyihiin, balse ay sheegaan wixii dhaliil ah ee xukuumadu leedahay.
Waxaanu Ibraahim ducaale, dalinyarada reer Somaliland kula dardaarmay in ay iska qabtaan cidii samcadooda dilaysa ee mindiyaha la dhex joogta xaafadihii ay ku dhasheen ayna u diyaar garawbaan difaacidda dalkoodda iyo dawladooda, isla markaana ay ku daydaan dhalinyaradii dalka xoreysay oo da’dooda u dhexaysa 20 jir iyo wax ka hooseeya.
Abiib Xasan Filfil, Dr. Maxamuud Aw Daahir iyo Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), oo ka mid ahaa siyaasiyiintan ka tirsan xisbiga Kulmiye ee shalay shirka jaraa’id qabtay oo iyagna halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa waxay si weyn u difaceen waxqabadka xukuumadda taladda haysa ee uu hogaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku talaabsatay mudadda ay taladda wadanka haysay. Waxaanay labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani u soo jeediyeen inay shacbia Somaliland u keenaan barnaamijyo ay ku qancinayaan isla markaana ay ku cadeeyaan waxyaabaha ay kaga fiican yihiin Kulmiye, haddii kale ay iska daayaan cayda iyo af xumadda.
By: Idiris M.Xasan
Dwawannews Hargeysa office