Rasaasayn ka dhacday gudaha iyo hareeraha baarlamaanka Kanada ayaa waxa ku dhintay hal askari kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen nin hubaysnaa.
Askarigaasi ayaa la sheegay inuu dhaawac dhintay mar danbe. Waxa kale oo la sheegayaa inuu isna dhintay nin dabley ahaa oo la filayo inuu ahaa ninkii rasaasta ridayay.
Dhismaha baarlamaanka ayaa la xidhay falkaasi kadib.
Inkasta oo aan weli la sugin tirada dablayda haddana waxa la sheegayaa in mid dab sitaa dhintay.
Xabbada ayaa ka bilaabantay taallo xus dagaal, kadibna waxa uu u cararay oo uu galay ninka qoriga sitay baarlamaanka isaga oo sii watay rasaasayntii.
Falkani ayaa la sheegayaa inuu dhacay saacado kadib markii Kanada kor u qaaday heerka khatarta argagixiso taasi oo daba socotay markii weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah lagu qaaday laba askari Isniintii.