Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa uu sheegay in hogaamiyeyaasha Jordan iyo Israa’iil ay isku raaceen talaabooyin hoos loogu dhigayo, xiisadaha ka dhex taagan Israa’iil iyo Falastiin ee ku aadan Qudus.
Israa’iil ayaa aqbashay in ay u oggolaato da’ kasta oo rag ah in ay ku soo cabaadaystaan masjid Alaqsa kadib markii in muddo ah la ismari la’aa.
John Kerry ayaa hadalkaasi sheegay kaddib Markii uu la kulmay Boqorka Cabdallaha labaad ee Urdun iyo Rai’sal wasaraaha Israa’iil.
Muran ka dhashay dadku in ay awood u yeeshaan in ay ku cibaadaystaan dhismaha Al-Xaraam Al-shariif oo ah qaybta ugu barakada badan Qudus, ayaa sababtay daganaansho la’aan labadii todobaad ee u dambaysay.
waxa uu sheegay in ay soo gaadheen balanqaadyo adag oo ah in aan waxba laga badalaynin xaaladaha goobaha barakaysan ee Muslimiinta ee Qudus.