Laba walaalo ah ayaa noqday shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee Ingiriis ah ee xukun loogu qaado in ay tababaro argagixiso ku soo qaateen kaam ku yaal Suuriya.
Mohommod Nawaz, 30jir iyo Hamza Nawaz oo ah 24 jir oo labaduba ka tegay , Stratford, east London, ayaa lagu xukumay afar sano iyo badh iyo saddex sano oo xadhig ah sida ay u kala horeeyaan magacyadoodu.
Waxa ay qirteen in ay galeen shirqool oo ay ku soo qaateen taababar argagixiso kaam ku yaal Siiriya sannadkii 2013.
Xaakinka ayaa sheegay in ay raggan ujeedadoodu ku jihaysnayd rajiimka Siiriya oo aanay ahayn inay weerar ka fuliyaan Ingiriiska, islamrkaana aanay caddeyn inuu midkoodna ka qayb qaatay wax dagaal ah.
Xaakin Christopher Moss QC waxa uu intaa ku daray in ay ka caddaatay moobiladooda in ay labadub tageen kaamka Suuriya ee loo isticmaal tababarada argagixisada.