Dhakhtarkii Daah-qaaday EBOLA oo Eedeeyey WHO

0
417

Dhakhtarka u dhashay Wadanka Biljemka ee ku takhasusay Cilmiga Bay’olajiga Peter Piyout kana mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee ogaaday Virus-ka dilaaga ah ee Ebola ayaa si caddaan ah ugu eedeeyey Hay;ada WHO inay luminayso wakhtiga kana warwareegayso sidii wax looga qaban lahaa cudurkaasi.
Mr Peter oo u waramay Wargayska Dalka Britain ee Daily Mail ayaa sheegay in aanay mid habboon ahayn in markii la ogaaday cudurkaasi ay WHO u qabato muddo shan bilood ah oo la baxnaaniyo caddiga ay dhibaatadiisu le’ekaan doonto, isagoo arintaa ka hadlaya Dhakhtarku waxa uu yidhi: “Ugu yaraan muddo Boqol habeen ah ayay qaadatay inay Hay’adda WHO ku aqoonsato inay jirto dhibaato dhab ah oo ka imanaysa EBOLA”
Dhakhtarku waxa uu sheegay inay xaq ahayd in laga dheregsanaado awoodda yar ee ay Dawladda faqiirka ah ee Ginie u leedahay ka hortagga cudurada faafa sida EBOLA.
Cudurkan waxaa u dhintay Kumanaan Ruux, mana jiro cudur daar loo haystay in arrintaa laga hortagi waayo, wax walbana waxay qaadanayaan waqti dheer, enaga oo weli sii luminayna wakhti muhiim ah” sidaa waxaa mar kale wargayska u sheegay Dr Peter, oo sidoo kale ku eedeeyey WHO in aanay sidii degdega ahayd ee loo baahnaa ugu dhawaaqin in Cudurkani yahay mid khatar caalamiya ah gaysan kara tan iyo Bishii Augost.
Dhaliilahan Dhakhtarku u soo jeediyey Hay’adda WHO waxay ku soo beegmaysaa xilli lagu dhawaaqay in dhakhtarkii Kow iyo Tobnaad uu la soo dhacay Cudurka EBOLA gudaha Dalka Siralyoon.
Dhakhtar Da’ud Koroma oo u dhashay Siralyon ayaa ka mid noqday dadka gaadhaya 17 Kun oo Ruux ee Bukaankaasi ku haleelay dalalka Ginie, Liberia & Siralyon oo uu xiligan si gaar ah ugu fidiyo xanuunkaasi.
Dhanka kalena Madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa Mar kale weydiistay Golaha Kongarees-ka inay sii daayaan miisaaniyadda xukuumadiisu u qorshaysay la dagaalanka EBOLA, waxana uu Xusay Madaxweynuhu in natiijooyin wax ku ool ahi ka soo baxayaaan qorshayaasha ay Ameerika kaga hortegayso Cudurkaasi iyo fiditaankiisa.
 
 

Leave a Reply