Dulucda Dardaarankii Madaxweyne Siilaanyo Ee Komishanka Doorashooyinka Oo Hortiisa Lagu Dhaariyay

0
401

Hargeysa (DAWAN) –  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa Shalay Xarunta Madaxtooyadda ku dhaariyay Xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka, kuwaas oo dabayaaqaddii bishii hore ay Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xubnahan Guddida Doorashooyinka ILAAHAY uga baryay inuu Xilka u fududeeyo,waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay in maanta (shalay) hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo Dadka iyo Dalka u horseeda Horumar iyo Cadaalad. Waxaynu nahay dal doortay dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay Dimuqraadiyad, Doorashooyin iyo hawlo fara-badan ayaynu galaynaa, markaa ahmiyada ay Guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn.”
“Waxaad  Dalka iyo Dadkaba  uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee ILAAHAY Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto Inshaalaah, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa in uu innagu garab-galo hawshan dhammaanteena innagu guuleeyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xubnaha Komishanka doorashooyinka ee cusub ayaa magacyadoodu kala yihiin Siciid Cali Muuse, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan, Maxamed Jaamac Maxamed,Maxamuud Jaamac Wacays iyo Cabdiraxmaan Cismaan Aadan.
Todobadan Xubnoodd ee Guddida Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay maanta illaa beri  doortaan Hogaankooda, iyaga oo maalmaha soo socdana la filayo inay Xilka kala wareegeen  Guddidii hore ee Doorashooyinka Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply