USA: Farxadiisa Ayaa Ku Dhamaatay Murugo?

0
368

Faraxdii iyo rayrayntii wiil u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku soo xidhantay murugo iyo werwer  24 saacadood gudahooda.
Wiilkan ayaa iibsaday gaadhi cusub oo casri ah aadna u dheereya isla markaana ah kuwa raaxada. Gaadhigan oo qiimahiisu ka badnaa hal malyuun oo doller ayuu ka iibsaday Macrad ku yaala magaalada Dalas ee badhtamaha Maraykanka. Sida ay qoreen saxaafadda Maraykanku  nooc gaadhigan ayaa ahaa McLaren 1., kaasi oo noociisa dunida oo dhan ay ka joogan 375 baabuur oo keliya. Wiilkan aya gaadhiga ku kexeeyay xawaare aad u sareeya kaasi oo keenay inuu xukumi kari waayo gaadhiga. Wiilka ayaa jiidhsiiyay biro waaweyn oo xadiid ah oo ka dhigay gaadhiga mid gebi ahaantiiba burbura.

Leave a Reply