Urdun oo Qiratay in ay Daacish ka soo Riday Diyaarad

0
391

Taleefishinka qaranka ee Urdun ayaa si kooban  looga xaqiijiyay sheegashada ay kooxda isugu yeedhay Dowladda Islaamiga ah ay baraha bulshada ku sheegatay in diyaarad milateri oo ay leedahay Urdun ay ku soo rideen waqooyi bari dalka Suuriya, iyadoo diyaaradaasi ay ka qeyb qaadanaysay weerraro lagu hayay meelaha ay ku xooggan tahay kooxdu.
Waxaa taa ka sii daranse, in duuliyihii diyaaraddaasi, korneel Mucaad Yuusuf Kasaasibah, ay gacanta ku dhigeen.
Sawirrada ay kooxda IS soo dhigtay baraha internetka ayaa waxaa ay muujinayaan isagoo laga soo bixinayo biyo halkaasi oo ay diyaaraddu ku burburtay.
Waxa uu u muuqday qof dawakhsan laakiin badqaba.
Qoyska duuliyaha iyo dowladda Urdun, qabsashadiisa waxa ay u tahay naxdin weyn.
Dowladda ayaa waxa ay arrintan ka yeelatay kulamo degdeg ah.
Fursadaha kala duwan ee ay haystana waxaa ka mid ah inay maleeshiyaadka ku qaado howlgalo dhulka ah, ama inay isaga baxdo isbahaysiga uu hogaaminayo Mareykanka.
Inkastoo ay aad u xun tahay sida ay IS ula dhaqanto maxaabiista ee ah inay gowracdo, ayaa haddana waxa ay u badan tahay in aanay wax war ah ka soo saarin halka uu ku dambeyn doono duuliyaha kahor inta aanay go’aan gaadhin.
Maleeshiyada ayey suuragal tahay inay u isticmaalaan duuliyaha hab ay kula gorgortamaan Urdun iyo saddexda dal ee kale ee Carabta ah inay isaga baxaan isbahaysiga.
Urdun ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku haysaa tiro sarsare oo Islaamiyiin ah, marka waxaa suuragal ah in laga wadahadlo in la isdhaafsado.
Korneel Mucaad iyo qoyskiisa waxa ay ku duceysanayaan in dadka haysta aanay dilin.

Leave a Reply