Naas Nuujinta Oo La Ogaadey Inay Hooyadana Faa’ido U Lee Dahay

0
392

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in naaska oo hooyadu nuujiso ilmaha yar ay iyada lafteedana faa’ido badan u lee dahay,taas oo ay kamid tahay dhiig karka oo ay ka badbaado,wadne xanuunka oo isna ay ka badbaado hooyadaasi iyo faa’idooyin badan oo kale.
Waxa kale oo ay kooxda daraasada samaysay sheegtay in hooyada ilmaha naaska nuujinsaa ay ka badbaado caajiska,baqdinta badan iyo waxyaalo badan oo kale,waxaana daraasadan lagu sameeyey machadka lagu magcaabo Max Planck  Neurological Science oo ku yaala dalkaasi Jarmalka,gaar ahaana magaalada Leipzig.
Daraasadan ayaa sidoo kalena lagu yidhi hooyadu waxay ka badbaadaa dhibaatooyin badan ,kuwaas oo soo wajaha waqtiyada aanay naaska nuujinayn ilmaha yar ,waana mid kale oo kamid ah faa’idooyinka ugu fiican ee laga helo naas nuujinta,gaar ahaana hooyadu ka hesho.
Kathleen Carroll oo ka mid ah maxadkaasi Max Planck ayaa iyada oo ka hadlaysa daraasadaasi tidhi “waa arrin aad u fiican in daraasadan aanu kasoo saarno natiijadan fiican,gaar ahaana u fiican hooyooyinka,arrimahana waxa keena inta badan inay dhacaan Hormoonka ama dhecaanka loo yaqaano Oxytocin ,waxaanu dhecaankani samayn ku yeeshaa habka dhalmada,iyada oo uu saameeyo sidoo kalena xidhiidhka ka dhexeeya hooyada iyo ilmaha intuu uurka ku jiro”.
Waxaanay intaas ku dartay inay doonayaan inay sii wadaan daraasadan ,iyaga oo baadhitaano dheeraada kusii samaynaaya arrimahaasi ,kuwaas oo xooga lagu saaraayo Dheecaanada iyo Unugyada caanaha keena,sidoo kalena samaynta ay yeelan karaan intaba.
 

Leave a Reply