Ninkii Metelay Film-ka Laga Metelay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Oo Markii Ugu Horeysay Wadooyinka Lagu Arkay

0
370

Waxa lasoo saaray dhowaan Film laga metelay madaxweynaha waqooyiga dalkaasi Kuriya Kim Jong,iyada oo ninka film kaasi metelay markii ugu horeysay warasi bixiyey,isaga oo ka hadlay hababkii uu u metelaayey madaxweynaha dalkaasi Kuuriyadda Koonfureed,gaar ahaana habkii xukun ee aad ka u adag.
Waxaanu ahaa film kaasi mid ay ku jirto hababka kala duwan ee uu u laayo madaxweynahaasi dadka,iyada oo meelo halkaasi kamid ah lagu metelaayey meelaha dilka lagu fuliyo,sidoo kalena meelo lagu qarxinaayey.
Waxaana markii dambe looga cabsaday metelaagaasi in la khaarajiyo,madaama oo uu film ka metelay madaxweynaha caalamka ugu ad adag,uguna dhalinta yar.
Sida lagu baahiyey Daily Mail,waxa uu noqday film kaasi mid aad u daawasho badnaa,isaga oo uu soo saaray actor da’aan jiray 40 sanno,waxaanu actor-kaas iska dhego tiray hanjebaado badan oo loo soo diray,iyada oo loogu hanjebay in la khaarajin doono isaga iyo xaaskiisa ,sidoo kalena la dili doono inanta yar ee uu dhalay actor-kaasi.
Waxaana tan iyo waqtigaasi lagu arkay markii ugu horeysay wadooyinka California ,waxaana  actor-kan lagu magcaaba Jay Suh Park,waxa kale oo inantiisa lagu magcaabaa Ruby,waxaanay da’ahaan gaadhaysaa laba sanno iyo badh,waxaana waqtigan loo dabaal degayaa sannad guurada dhalashadeeda.
Waqtigaasi uu ka sheekaynaayey ninkani sidii uu film-kan u metelay iyo sida uu ugu dhiiradey ayaa waxa la socday ilaalo,iyada oo waqtigan uu dhex maraayey wadadana aanay cidi la socon.
Film-kan ayaa ah mid ay soo saartay shirkadda Sony,iyada oo uu sidoo kalena ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Maraykanku Barrack Obama,waxaanu arrimo badan kala hadlay sidoo kalena company-ga film-kan sameeyey.

Leave a Reply