Internet la'aan kale oo soo wajahday W/Kuuriya

0
371

Warbaahinta Shiinahu waxa ay tabinayaan in Waqooyiga Kuuriya ay soo wajahday Internet la’aan dheeraad ah iyada oo ay badhtanka kaga jiraan dagaal afka ah oo kala dhexeeya Mareykanka, kaas oo ku aadan weerar dhanka Internetka ah oo lagu qaaday shirkadda Sony Pictures.
Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in Internetkii iyo khadkii 3G-ga ee Mobile-lada wadankaasi ay shaqeyn waayeen ugu yaraan labo saac.
Warbixintani waxa ay imanaysaa xilli Waqooyiga Kuuriya ay madaxweynaha Mareykanka Obama u gaysteen aflagaado jinsi ah.
Bayaan ku soo baxay magaca guddiga awooda badan ee difaaca ee wadankaasi Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu sheegay in Obama uu taxadar la’aan yahay sida daanyeerka oo kale, kaddib markii uu taageeray siidaynta Filimkii shirkadda Sony ee laga matalay shirqool lagu dilayo madaxweynahya Waqooyiga Kuuriya.
Brad Sherman oo ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Mareykanka looga baahanyahay in ay talaabo ka qaadaan Waqooyiga Kuuriya sababtuna ay tahay ficilkooda ay ku xakameyeen xoriyatul qawlkii Mareykanka ee dastuuriga ahaa iyo iyaga oo wax u dhimay dhaqaalihii wadanka.
 

Leave a Reply