Warbaahinta Shiinaha ayaa cadaysay in nin dalkaasi u dhashay la xidhay 13 sano, ka dib markii lagu helay inuu iibin jiray hilibka shabeelada qaaliga ah, isla markaana uu shiili jiray. Waxa kale oo ninkan lagu helay in dhiiga shabeelada uu qalo uu ka samayn jiray khamri isagoo ku dari sonkor iyo kimiko kale. Ninkan aya socdaalo ku kala bixin jiray gobolada dalkaasi isagoo shabeeladan ku ugaadhsan jiray qalab laydh ah. Hilibka duban ee uu iibinayo ayuu aad ugu ekaysiin jiray kan lo’ada. Ninkan ayaa bulshada ugu sheegi jiray inuu iibinayo hilib lo’aad.





















